Waa maxay mowqifka ay musharaxiinta Minnesota kaqabaan arimaha

Stockton voters
Voters.
Winona Daily News, Andrew Link via AP

Dadka reer Minnesota ayaa ucodaynaaya mid kamid ah doorashooyinka ugu muhiimsanaa ee gobalka lagu qabto muddo sanado badan ah kadib. Halkaan ayay musharaxiintu kakala joogaan arimaha muhiimka ah ee aan bulsho ahaan waajahayno.

GUDOOMIYAHA GOBALKA — Johnson, Walz

walz-johnson
Democrat Tim Walz, Republican Jeff Johnson.
Lacey Young | MPR News and Derek Montgomery for MPR News

Jeff Johnson, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa inuu kajoojiyo gobalka Minnesota dajinta qaxootiyaasha wuxuuna doonayaa in booliiska deegaanku lashqeeyaan saraakiisha socdaalka ee heer federaal, ama ICE.
• Caafimaadka: Wuxuu doonayaa in gobalka Minnesota iskaga baxo qaybo kamid ah sharciga heer federaal ee daryeelka caafimaad uuna dhiirigaliyo tartanka kajira suuqa shirkadaha caymiska.
• Canshuuraha: Wuxuu doonayaa inuu yareeyo canshuuraha laga qaado qarashka dadka oo dhan.
• Shaqada/dhaqaalaha: Wuxuu doonayaa inuu gooyo sharciyada dawlada ee lagu caawinaayo dhaqaalaha.
• Waxbarashada: Wuxuu doonayaa inuu ikhtiyaarada dhanka waxbarashada balaariyo uuna mushaar macalimiintana wuxuu kusalaynayaa hadba shaqada ay qabtaan.
• Bii'ada: Wuxuu leeyahay qorshayaasha wax looga qabanaayo isbadalada cimilada mashaqayn doonaan.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Tim Walz, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu aaminsanyahay inaan booliiska deegaanku ubaahnayn inay qabtan shaqooyinka dhanka socdaalka ee heer federaal caruurta Maraykanka lakeenana ayagoon wadan wax dukumiintiyo ah waa in ladifaacaa.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa dookhyo daryeel caafimaad oo cidkasta ufuran.
• Canshuuraha: wuxuu donayaa inuu canshuuraha kadhimo dadka danyarta ah iyo dadka dabaqada dhexe uuna kordhiyo taageerada dawlada.
• Shaqada/dhaqaalaha: Wuxuu taageersanyahay midawyada shaqaalaha iyo in maalgalin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guriyaynta iyo gaadiidka.
• Waxbarashada: Wuxuu doonayaa in barnaamijka dugsiyada barbaarinta ah cid kasta hesho dawladu sibuuxda umaalgaliso.
• Bii'ada: Wuxuu doonaayaa in tamarta lacusbonaysiin kara la adeegsado lana yareeyo wasaqda hawada.

SENATE — Klobuchar, Newberger

U.S. Sen. Amy Klobuchar and her opponent Rep. Jim Newberger.
Democrat Amy Klobuchar, Republican Jim Newberger.
Mark Zdechlik | MPR News, Derek Montgomery | MPR News

Amy Klobuchar, Democrat:
• Socdaalka: Waxay doonaysaa in dadka wadanku kunool muwaadinimada kuhelaan ayadoon wax dukumiinti ah lawaydiinin.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay diirada saaraysaa hoos udhigida qiimaha caafimaadka iyo daawooyinka laguu qoro.
• Canshuuraha: Waxay doonaysaa in canshuuraha lafududeeyo loona adeegsado lacagta canshuurta lagasoo aruuriyo dib udhiska kaabayaasha.
• Shaqada/dhaqaalaha: Waxay doonaysaa in laxoojiyo wax dhoofinta lana fududeeyo sharciyada xadidadaaya ganacsiyada yaryar.
• Waxbarashada: Waxay doonaysaa in dawladu taageerto kuleejyada iyo dugsiyada ganacsiga, waxayna aaminsantahay in waxbarashadu tahay maalgalin dhaqaale.
• Bii'ada: Waxay taageersantahay nadiifinta tamarta iyo in la abuuro sharciyo adag oo federal ah lana xariira wasaqaynta hawada.

Jim Newberger, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu taageersanyahay qorshaha darbixiga looga dhisaayo xaduuda Mexico wuxuna doonaaya dibu habayn lagu sameeyo socdaalka.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa in labaabi'iyo sharciga daryeelka caafimaadka ee hadda jira.
• Madaxwayne Trump: Wuxuu taageersanyahay madaxwaynaha wuxuuna amaanaa dadaalada dimlumaasiyadeed ee madaxwaynaha.
• Canshuuraha: Wuxuu doonayaa canshuurta in hoos loodhigo lana fududeeyo xeerka canshuurta.
• Shaqada/dhaqaalaha: Wuxuu doonayaa inuu xoojiyo shaqooyinka Minnesota asagoo fududaynaaya sharuucda laxariirta ganacsiyada yaryar.
• Waxbarashada: Wuxuu ucodeeyay xeerka waxbarashada gobalka Minnesota ee dhawaan la ansixiyay.
• Bii'ada: Wuxuu inkirsanyahay cadaymaha saniska ee laxariira isbadalka cimilada.

SENATE, DOORASHO GAAR AH — Smith, Housley

U.S. Sen. Tina Smith (left) and state Sen. Karin Housley
Democrat Tina Smith, Republican Karin Housley.
Mark Zdechlik | MPR News

Tina Smith, Democrat:
• Socdaalka: Waxay doonaysaa dadka lakeenay wadanka Maraykanka ayagoo caruur ah oon wadan wax dukumiintiyo ah laga caawiyo helitaanka sharciga wadanka.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay doonaysaa nidaam dhamaan dadka oo dhani kuhelaan caymis caafimaad, caymiskaasoo lagu maalgaliyo canshuuraha dadka laga qaado.
• Canshuuraha: Waxay doonaysaa in qiimayaasha canshuuraha laga dhigo kuwo taageeraaya qoysaska shaqeeya.
• Shaqada/dhaqaalaha: Waxay doonaysaa inay udoodo xeerarka ganacsiga xorta ah, iyo sidii looxaqiijin lahaa in ragga iyo dumarka iskumushaar noqdaan markay shaqo iskumid ah hayaan.
• Waxbarashada: Waxay doonaysaa in la abuuro dugsiyo dawladu leedahay oo xoogbadan adeegyada caafimaadka dhimirka dugsiyadana labalaariyo.
• Bii'ada: Waxay doonaysaa in tamarta lacusbonaysiin kara la adeegsado sharciyo adagna loosameeyo wasaqda hawada.

Karin Housley, Republican:
• Socdaalka: Waxay aaminsantahay in booliiska socdaalka ee heer federaal ay muhiim uyihiin adkaynta xaduudaha.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay doonaysaa daryeel caafimaad oo suuqu hago.
• Canshuuraha: Waxay rabtaa in canshuuraha ladhimo lana yareeyo lacagta guud ee dawladu maalgalinta kubixiso.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Waxay doonaysaa in lafududeeyo sharciyada ganacsiga.
• Waxbarashada: Waxay doonaysaa in la baabi'iyo qaar kamid ah shuruucda waxbarashada ee federaalka dugsiyada deegaankana lasiiyo awood dheeri ah.
• Bii'ada: Waxay doonaysaa xeerar bii'ada uwanaagsan aana dhibaato ugaysanayn ganacsiyada.

DEGMADA 1AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Feehan, Hagedorn

Jim Hagedorn (left) and Dan Feehan.
Republican Jim Hagedorn, Democrat Dan Feehan.
Photos by Jerry Olson for MPR News

Dan Feehan, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu taageersanyahay nidaam sharciga muwaadinimada lagu siinaayo dadka soogalootiga ah ee sharciga wadanka daacada u ah.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa caawimaad dhanka daryeelka caafimaadka ah oo heer caalami ah.
• Canshuuraha: Wxuu aaminsanyahay in qiimayaasha canshuurtu ay tahay inay caawiyaan bulshada dabaqada dhexe si kabadan dadka tujaarta ah.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu taageersanyahay dhaqaale xoogan oo sal adag iyo in hormarin lagu sameeyo kaabayaasha gaadiidka.
• Bii'ada: Wuxuu tageersanyahay tamarta lacusboonaysiin karo iyo in laladagaalo isbadalka cimilada.

Jim Hagedorn, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa in Maraykanku kabaxo barnaamijka qaabilaada qaxootiyaasha.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa in labaabi'iyo sharciga daryeelka caafimaadka ee hadda jira asagoo udanaynaaya "xalalka suuqa xorta ah."
• Canshuuraha: Wuxuu doonayaa in xeerka canshuurta lafududeeyo kaasoo qofkasta fahmi karo.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay inaysan ahayn doorka dawada inay abuurto shaqooyinka; shaqada dawladuna tahay abuurista deegaan ganacsiyo abuuri kara si markaas shaqooyin loohelo.
• Bii'ada: Wuxuu leeyahay qaar kamid ah sharciyada kadhanka ah wasaqaynta hawadu waa kuwa aad ugu xun ganacsiga wuxuuna taageersanyahay noockasta oo tamar lagusoo saari karo.

DEGMADA 2AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Craig, Lewis

Democrat candidate Angie Craig and Republican incumbent Jason Lewis.
Democrat Angie Craig, Republican Jason Lewis.
Evan Frost and Regina McCombs | MPR News

Angie Craig, Democrat:
• Socdaalka: Waxay doonaysaa nidaam muwaadinimada lagu siinaayo dad badan oo soogalooti ah waxayna doonaysaa in Maraykanku aqbalo codsiyada dadka magangalyo doonka ah.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay doonaysaa in caymis caafimaad oo dawladeed loohelo dhamaan dadka.
• Canshuuraha: Waxay doonaysaa in canshuuraha laga yareeyo dadka dabaqada labaad kujira lana abuuro xeer canshuureed oo fudud. • Shaqada/Dhaqaalaha: Waxay doonaysaa in sharuuc fudud loosameeyo canshuurahana laga dhimo ganacsiyada yaryar.
Waxbarashada: Waxay taageeraysaa kordhinta waxbarashada dugsiyada barbaarinta iyo labo sano oo kuleej lacag la'aan ah.
• Bii'ada: Waxay taageersantahay in ganaax lacageed laga qaado shirkadaha wasaqeeya hawada ee kaarboonka kusiidaaya.

Jason Lewis, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu taagerayaa in darbi laga dhis xaduuda aan laleenahay Mexico wuxuuna doonayaa in booliiska maxaliga ah lashaqeeyaan kuwa federaalka ee socdaalka qaabilsan.
• Dayrrlka caafimaadka: Wuxuu aaminsanyahay in dawladu faraha kalabaxdo daryeelka caafimaadka.
Wuxuu taageersanyahay yaraynta canshuurta iyo yaraynta maalgalinta dawlada.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay in marka sharciyada dawlada layareeyo ay shaqooyin badan abuurmayaan.
• Waxbarashada: wuxuu doonayaa inuu dugsiyada maxaliga ah siiyo awood dheeri ah diirada xoog loosaaro kuleejyada farsamada.
• Bii'ada: Wuxuu inkirsanyahay cadaymaha saniska ee laxariira isbadalka cimilada.

DEGMADA 3AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Phillips, Paulsen

3rd Congressional district candidates Dean Phillips and Erik Paulsen
Democrat Dean Phillips, Republican Erik Paulsen.
Images by Lacey Young | MPR News

Dean Phillips, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa nidaam muwaadinimo lagu siinaayo qaar kamid ah muhaajriinta aan dukumiintiyada haysan.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa in caymis caafimaad oo dawladeed lasameeyo.
• Canshuuraha: Wuxuu kasoo horjeedaa sharciga hadda ee canshuuraha, asagoo aaminsan inay dadka tujaarta ah maslaxad utahay.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay garab istaaga bulshada dabaqada dhexe si loo dhiso dhaqaalaha.
• Waxbarashada: Wuxuu doonayaa macalimiin aad iskugu dhafan iyo in labalaarsho waxbarashada caruurta yaryar.
• Bii'ada: Wuxuu taageersanyahay in ganaax lacageed laga qaado shirkadaha wasaqeeya hawada ee kaarboonka kusiidaaya.

Erik Paulsen, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu aaminsanyahay nidaan socdaal oo masaalixda wadanka kudhisan iyo in xaduudaha la adkeeyo.
• Daryeelka caafimaadka: Wxuu doonayaa in labadalo sharciga hadda ee caafimaadka korna looqaado tartanka udhaxeeya shirkadaha caymiska.
• Canshuuraha: Wuxuu taageersanyahay sharciga canshuurta ee hadda jira, asagoo leh wuxuu uroonyahay ganacsiyada.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay in lataageero ganacsiyada si dhaqaalaha kor loogu qaado.
• Waxbarashada: Wxuu taageersanyahay dugsiyada charter ka ah, kuwaasoo si gaar ah ushaqeeya ayagoo adeegsanaaya lacagta dawlada.
• Bii'ada: Wax fikir ah uma hayo sida wax looga qaban karo isbadalka cimilada.

DEGMADA 4AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — McCollum, Ryan

Rep. Betty McCollum, Greg Ryan
Democratic Betty McCollum, Republican Greg Ryan.
Tony Saunders | MPR News

Betty McCollum, Democrat:
• Socdaalka: Waxay taageersantahay nidaam sharciga muwaadinimada lagu siinaayo dadka soogalootiga ah qaarkood.
• Daryeelka Caafimaadka: Waxay taageersantahay sharciga hadda jira ee daryeelka caafimaadka waxayna doonaysaa in caymis dadwayne lagu daro.
• Canshuuraha: Waxay kasoo horjeedaa canshuur dhimistii dhawaan lasoo rogay ayadoo aaminsan inay keeni karto sinaan la'aan dheeri ah oo dhanka dhaqaalaha ah.
• Shaqada/Dahqaalaha: Waxay aaminsantahay in ay tahay in dawladu usamayso "suuq ganacsi oo loosimanyahay" shaqaalaha iyo ganacsiyada.

Greg Ryan, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu aaminsanyahay in ay tahay in Maraykanku sibuuxda ufuliyo sharciyada socdaalka ee hadda jira.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu taageersanyahay in dookhyo dheeri ah lagusoo kordhiyo dookhyada caymiska caafimaadka ee hadda jira.
• Canshuuraha: Wuxuu taageersanyahay canshuur dhimis wayn.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wxuu leeyahay waa shaqada waaxda ganacsiyada gaarka looleeyahay inay abuuraan shaqooyin.

DEGMADA 5AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Omar, Zielinski

Ilhan Omar and Jennifer Zielinski
Democrat Ilhan Omar, Democrat Jennifer Zielinski.
Omar by Tim Nelson, MPR News | Zielinski courtesy of the campaign

Ilhan Omar, Democrat:
• Socdaalka: Waxay doonaysaa in labaabi'iyo Immigration and Customs Enforcement (ICE, Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalinta Kastanada), la abuuro nidaam ay sharci kuhelayaan dhamaan dadka aan dukumiintiyada haysan, iyo in la aqbalo qaxootiyaal dheeri ah.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay taageeraysaa nidaam daryeel caafimaad oo dadwayne canshuurtana laga maalgaliyo.
• Canshuuraha: Waxay doonaysaa in meesha laga saaro canshuur dhaafida loo sameeyay Ameerikaanka maalqabeenka ah.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Waxay doonaysaa in kor looqaado mushaarka ugu yar ee shaqaalaha ilaa $15 saacadiiba dhamaan wadanka.
• Waxbarashada: Waxay taageeraysaa in dawlada federaalku maalgaliso nidaam dugsiyada barbaarinta ah oo aduunka oo dhan ah ayadoo daryeelka ilmaha loosamaynaayo qoysaska shaqeeya.

Jennifer Zielinski, Republican:
• Socdaalka: Waxay taageeraysaa dhaqangalinta sharciga socdaalka ee hadda jira.
• Daryeelka caafimaadka: Waxay doonaysaa in in wax laga badalo sharciga daryeelka caafimaadka ee hadda jira.
• Canshuuraha: Waxay codsanaysaa in canshuurta laga dhimo wadanka oo dhan.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Waxay taageeraysaa xeerka dhaqaale ee hadda xisbiga Jamhuurigu doonayaan.
• Waxbarashada: Waxay aaminsantahay in qoysasku yeeshaan "doorka dhabta ah" ee waxbarashada.

DEGMADA 6AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Todd, Emmer

6th Congressional District candidates Ian Todd (left) and Tom Emmer.
Democrat Ian Todd, Republican Tom Emmer.
Courtesy of Ian Todd's campaign | Brett Neely for MPR News

Ian Todd, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa in lafududeeyo qaabka lagu noqonaayo muwaadin.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu taageerayaa nidaam daryeel caafimaad oo dadwayne canshuurtana laga maalgaliyo.
• Canshuuraha: Wuxuu kasoo horjeedaa canshuur dhimis lasiiyay shirkada waawayn.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu leeyahay ururada midawga shaqaaluhu waxay muhiim uyihiin bulshada shaqaalaha ah.
• Waxbarashada: Wuxuu taageerayaa daryeelka ilmaha ee lataageero iyo in maalgalin badan lagaliyo iskuulada dawlada.
• Bii'ada: Wuxuu doonayaa in maalgalin badan lagasho tamarta nadiifta ah.

Tom Emmer, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dadka Maraykanka soogalaaya.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa in labalaariyo dokhyada caymiska caafimaadka.
• Canshuuraha: Wuxuu udoodaa canshuuraha in laga yareeyo shaqsiyaadka.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay in ganacsiga aduunka oo bata ay kor uqaadayso dhaqaalaha.
• Waxbarashada: Wuxuu taageerayaa in maamulka dugsiyada lagu wareejiyo maamulka maxaliga ah dookhyo dheeri ahna lasiiyo.
• Bii'ada: Wuxuu udoodaa in lafududeeyo sharciyada xakamaynta bulshada.

DEGMADA 7AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Peterson, Hughes

Collin Peterson and Dave Hughes
Democrat Collin Peterson, Republican Dave Hughes
Via WikiCommons

Collin Peterson, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dadka Maraykanka soogalaaya.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu taageersanyahay dib uhabayn daryeelka caafimaadka lagu sameeyo oo labada xisbiba taageersanyihiin.
• Canshuuraha: Wxuu aad ugasoo horjeeda sharciga cusub ee canshuurta asagoo aaminsan inuusan caawinayn dadka dabaqada dhexe.
• Waxbarashada: Wuxuu taageersanyahay in macalimiinta laysku badalo lagana qoto meelaha tuulooyinka ah.

Dave Hughes, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu doonayaa in ladhiso darbiga xaduuda Mexico iyo in maalgalinta laga jaro magaalooyinka magaalyooyinka qaxootiyada haya.
• Daryeelka caafimaadka: Wxuu doonayaa in labadalo sharciga hadda ee caafimaadka korna looqaado tartanka udhaxeeya shirkadaha caymiska.
• Cnashuurta: Wuxuu taageersanyahay yaraynta canshuurta iyo yaraynta maalgalinta dawlada.
• Waxbarashada: Wuxuu doonayaa in wakalaada waxbarashada ee dawlada federaalka ah qarashka laga jaro lana siiyo waalidiinta dookhyo dheeri ah.

DEGMADA 8AAD EE KOONGAREESKA LAGASOO DOORANAAYO — Radinovich, Stauber

Joe Radinovich and Pete Stauber
Democrat Joe Radinovich, Republican Pete Stauber.
Steve Kohls | Brainerd Dispatch and Derek Montgomery for MPR News

Joe Radinovich, Democrat:
• Socdaalka: Wuxuu taageerayaa in dadka wadanku kunool muwaadinimada kuhelaan ayadoon wax dukumiinti ah lawaydiinin.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu taageerayaa nidaam daryeel caafimaad oo dadwayne canshuurtana laga maalgaliyo.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu aaminsanyahay in maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bixinta mushaaro cadaalad ah ay dhaqaalaha kobci karaan.
• Bii'ada: Wuxuu taageersanyahay macdan qodista maarta-maxaasta ee lasocota Iron Range, laakiin kaliya hadii shirkaduhu buuxiyaan heerarka bii'ada ee ladajiyay.

Pete Stauber, Republican:
• Socdaalka: Wuxuu qabaa in darbiyada xaduudaha laga dhiso ay muhiim uyihiin meelaha qaar.
• Daryeelka caafimaadka: Wuxuu doonayaa nidaam daryeel caafimaad oo suuq xor ah leh.
• Shaqada/Dhaqaalaha: Wuxuu doonayaa inuu taageero ganacsiyada yaryar si uu dhalinta uga celiyo inay gabalka katagaan.
• Bii'ada: Wuxuu doonayaa in laqodo maarta-nuxaasta ee Iron Range sida ugu dhakhsaha badan.