8 shay oo buburinka kara madadaalada xagaaga iyo sida loola dagaalamo

A group of boys learn how to fish at Lake George.
Storm clouds move into St. Cloud Tuesday as a group of boys learn how to fish at Lake George.
Paul Middlestaedt for MPR News

Marka gu'ga uu isku badelaayo xagaa waxaa jira wax yaabo badan xiiso leh oo laga dhaxlo. Mooto kaxaynta, hawa gadiska iyo xeeb booqashada — in badan oo kamid ah reer Minnesota ayaa mar horaba banaanka jira waxna ka baranaya dabeecada dabiiciga ayagoo qaadanaya qoraxda.

Laakiin Xagaagu wuxuu leeyahay dhinac xun. Marka la fiiriyo cayayaanka, kuleylka qoraxda, iyo sunta dhirta; halkaan waxaa jira milicsiga qaar kamida dhibaatooyinka uu xagaagu wato, iyo sidoo kale sida loola dagaalo!

1) Buffalo gnats (Cayayaanka lo' dibadeedka)

Buffalo gnats, sidoo kalena loo yaqaano black flies, ma keeno wax cudur ah oo u gudbaaya biniaadamka, laakiin reer Minnesota waxay la kulmeen dhibsi badan qaas ahaan inta ugu badan dadka xiligan.

A black fly, or buffalo gnat.
Buffalo gnats (Cayayaanka lo' dibadeedka)
Illinois Department of Public Health

Ukuntoodu waxay ku dhex dilaacdaa biyaha waxayna ka dhex quutaan biyaha, sidoo kale. Bulaacada aadka badan ee Minnesota ayaa sababay in daaweyntu noqoto mid adag amaba aanba suurtagal ahayn meelaha qaar kood.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Laakiin ha baqin, cayayaanku waxay leeyihiin cimri gaaban oo xitaa dabeysha ayaa baabi'in karta maalinta ay dabeyl jirto. Daawada cayrisa Mosquito (kaneecada) ayaa loo adeegsan karaa cayayaankaan, sidoo kale, kaliya waa inaad ahataa qof dadaalaya madaama ay gali karaan meelaha aad gaftay ee aadan buufin.

2) Mosquitoes (Kaneeco)

Mosquito
Mosquitoes (Kaneeco)
Jennifer Simonson for MPR News 2013

Sida cayayaanka, mosquitoes waxay ilmaheeda dhigtaa meelaha qoyan — waxayna ku dhashaaa ilmaha sagxada heerka biyaha, hal kaasoo biyuhu isugu imaanayaan markii roob da'o.

Ka dhigista Minnesota meel leh nolal heer sare ah — marka loo fiiriyo ayaga.

Si aad uga fogaato qaniinyada xagaagaan xiro dharka ka neecada ka hortaga oo leh DEET. Waxaad sidoo kale xiran kartaa dhar leh midabo khafiif ah, dabooli karana jirkaaga kana fagoow aadida banaanka habaynkii marka kaneecada dhiig miiratada ah ay joogto. Halkaan ayaad ka heli kartaa talooyin dheeri ah!

3) Ticks (Shillinta)

Two deer, or black-legged, ticks crawl around in a glass petri dish.
Ticks (Shillinta)
Lacey Young | MPR News

Ma waxaad u maleenaysaa in kuleylka xagaagu uu dilaayo ticks badan. Mar kale fakar.

Heer kulka qaboowga ah kaliya wuxuu dilaa ticks haddii ay la kulanto hawada aad u qaboow, barafkii sanadka horaantiisii da`ay xaqiiqdii wuxuu siiyay dahaar wanaagsan si ticks ogaga dhuumato qaboowga daran. Siraha lagula dagaalamo cayayaanka iyo mdash waa kuwo isku mid ah; xiro dharka iskaga ilaaliyo oo leh DEET, wax ku dabool maqaarkaaga iyo; gaar ahaan lugahaaga iyo anqawga sababoo ah caadiyan cayayaanka kujira meesha aad lugeenayso waxay abaaraan lugaha.

Ayadoo cudurada Lyme ka ay kusii kordhayaan Minnesota, waxaad sidoo kale u baahnaan doonta inaad ka hubiso jirkaaga ticks iyo qaniinyada ticks kadib marka aad maalin banaanka waqti kusoo qaadato. Caadiyan,Waxay ku qaadataa 24 saac ku dhawaad sunta tick inay saameyso qofka kadib marka ay qaniinto. Halkaan ayaad ka heli kartaa macluumaad badan oo ku saabsan sida aad naftaada uga difaaci kartid una garan kartid calaamadaha halkan.

MPR News Soomaali

4) Dhismaha Jidka

Road construction sign
Dhismaha Jidka
Dan Gunderson | MPR News 2008

Waxaa jira boqolaal mashruuc oo loo qorsheeyay wadooyinka iyo buundooyinka Minnesota sanadkaan halka Minnesota Department of Transportation (Waaxda Gaadiidka ee Minnesota) ay soo bandhigtay in ka badan 200 oo mashruucyo ah gu'gaan. Liiska mashruucyada hada socda oo dhamaystiran waxaad ka heli kartaa webseetkooda halkan.

5) Kulaylka qatarta ah

Caadiyan maalmaha aadka aadka u kulul saraakiisha caafimaadku waxay u diraan digniin dadka waawayn iyo dadka yaryar, laakin cilmi baaris cusub ayaa ogaatay in da'yarta iyo dhalintaradu, khaasatan raga yaryar, ay yihiin kuwa la kulma xaaladaha degdega ah.

Sidaa daraadeed, wax micna maleh inta mada dadaalo oo aad haysato, hubi inaad biyo badan cabto, raadso hoos mar kasta kana fagoow dadaalka xad dhaafka ah.

6) Gubashada qoraxda

Ka ilaalinta naftaada kulaylka qoraxda kaliya ma ahan inaad kahortagaysid xanuunka jirka, taas micnaheedu waxaad sidoo kale iska ilaalinaysaa kansarka maqaarka. Sidaa darteed xiro waxyaabaha difaaca qoraxda!

Hubi Sun Protection Facto (Habka difaaca Qoraxda SPF) nooc kasta ee waxyaabaha ka hortaga qoraxda ee aad isticmaalaysid.

"SPF asal ahaan waxay cabiraan inta aad banaanka joogi karto ka hor intaan qoraxdu ku gubin," dhaqtarka maqaarka Dr. Anudeep Rahil ayaa u sheegay idaacada MPR Warka warbixintii hore. "SPF waxay dib u eegaysaa shoocaaca UVB , waxba kama qabanayso shoocaaca UVA. Haddii SPF 15uu wax sheego, waxay tasi la micno tahay inaad banaanka joogi kartid shan iyo toban jeer kahor inta qoraxdu ku gubin.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorax gubka iyo sida waxyaabaha ka hortaga qoraxda kuusiinayaan caawimaad ka fiiri halkaan halkan.

7) Sun dhirta ah

When lake temperatures warm, blue-green algae thrives.
Sun dhirta ah
Dan Kraker | MPR News 2017

Xanuunka iyo dhimashada biniaadanka ee la xiriirta algae waa dhif, had iyo jeerna dhirta ma ahan sun. Laakiin warbixinada xanuunada iyo dhimashooyinka ee ayda waxay noqdeen kuwo caadi ah xagaagii 2014 gobolku wuxuu diiwaan galiyay labadii xaaladood ee ugu horeysay ee xanuun biniaadam ah. Waxaad ka aqrin kartaa qaar kamida warbixintayada si qoto dheer halkan.

Shaqsi ahaan, haddii aad u malaynayso inaad taabatay dhirta sunta leh dhaq meesha aad ka shakisan tahay. Waxay sababi kartaa boog ama jir cuncun hadii aad taabato iyo shuban, jajab iyo lalabo, kabuubyo iyo caajis hadii aad laqdo. La soco calaamadahaas!

Milkiilayaasha eyga waxay u baahan doonaan biyo si ay iskaga dhaqaan sunta dhirta, dhaq eygaaga haddii uu taabto lana soco calaamadaha kuwaasoo ay kamid yihiin candareero, matag, gariir iyo qabsasho.

8) Poison Ivy: Fiiri si aadan u taaban!

Poison Ivy
Poison Ivy
Wikimedia Commons

Poison Ivy waa qatar qarsoon inta lagu jiro xagaaga. Boog guduudan, midab kala duwan leh, xanuun, ayaa samaysmi karta maalmo ama xitaa asbuucyo kadib markaad ku taabato jirkaaga maqaarka.

Marka ay timaado la dagaalanka dhirtaan, inaad iska ilaalisidwaa muhiimadaada koowaad. Waxaa laga yaabaa inaad maqashay oraahda "leaves of three, let it be" ("Ha taaban saddexda caleemood midna"), taas waa xeer wanaagsan oo la raaco — laakiin poison ivy waxay u kori kartaa qaabab iyo baaxado badan. Waad badbaaday hadii geedka aad aragtay uu qodxo leeyahay, laakiin ma aadan badbaadin haddii uusan lahayn miro, iyo ku dul-baxe kuwaasoo ku kora geedaha korkooda wali wuxuu isu ekeysiin karaa geedka uu ku dulbaxay.

Haddii aad u malaynayso ama aad ogaatay inaad taabatay boogna aad isku aragtid, isticmaal latacaal ka hortaga cuncunka ama kareemka corticosteroid. Haddii cuncunka sii xumaado, ama ay ku taalo meel xasaasi ah, isla markaba dhaqtar u tag.