Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 4aad ee waxbarashada, soogalootiga, waxyaabo badan

Two women pose for a photo
Betty McCollum, midigta, iyo May Lor Xiong
Courtesy photos

Minnesota waxay siddeed kursi ku leedahay Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo dhamaantood waxay ku jiraan doorashada deyrta.

Degmada 4-aad ee Koongareeska, Xildhibaan Betty McCollum, Dimuqraadi, waxaa la tartameysa May Lor Xiong oo ah Jamhuuri. McCollum waxay Aqalka Wakiillada ee Mareykanka Xildhibaan ka ahayd ilaa 2001.

Degmada 4-aad ee Koongareeska waa deegaan ah ku dhawaad dhammaan Degmada Ramsey iyo qeyb ka mid ah Degmada Washington. Waxa ku jirta St. Paul iyo dhanka bargai. Degmadan waxaa ku badan Dimuqraadiga, oo Koongareeska marna uma dirsan qof Jamhuuri ah ilaa 1940meeyadii.

May Lor Xiong, oo afka Ingiriiska ka dhigi jirtay St. Paul ayaa hadda ah dullaalka guryaha, ayaa waxay wajahaysaa McCollum. Waa murashixii ugu horreeyay oo ah Moongaha Maraykanka oo ku guuleystay is-reebreebka Xisbiga Jamhuuriga.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha muhiimka ah ee Minnesota.

Soo-rididda ilmaha

McCollum: Maalintii laga noqday go'aankii Roe v. Wade, McCollum waxay Twitter soo dhigay in “aysan waligeed joojin doonin dagaalkeeda xuquuqda” oo go'aanku waa “weerar toos ah oo lagu soo qaaday haweenka.”

Xiong: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Dambiyada, booliska iyo badqabidda dadweynaha

McCollum: Ma rumeysna in waaxda booliiska laga goosto lacagta. Waxay dhawaan taageertay $2.9 milyan oo doollar oo ah maalgelinta federaalka ee badqabidda dadweynaha ee degmadeeda.

Xiong: Waxay Twitter soo dhigtay 19kii Julaay “Waxaan taageerayaa ciidanka booliiska ama nabadgelyada ee dharkoodu yahay buluugga.” Waxay sheegtay inay dooneyso in ay barnaamijyo u sameyso oo wax la baro booliiska dhaqamada kala duwan si ay ugu tixgeliyaan sharci fulinta, oo waxay ku rajo weyn tahay in ay si caddaalad ah dadka ula dhaqmi doonaan. Barteeda internetka waxaa ku qoran inay aaminsan tahay “shuruucda caqliga-wanaagsan.”

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

McCollum: Waxay ka soo horjeesatay canshuur dhimistii 2017 ee ay ansixiyeen Jamhuuriga iyo Madaxweyne Donald Trump. Waxay tiri yareyntaas canshuurta “waxay abuurtay sinnaan la'aanta dakhliga” oo balaayiin lacag ah ayaa lagu sii daray hoosu-dhaca miisaaniyadda federaalka.

Xiong: Waxay sheegtay in, haddii ay noqoto Xildhibaan, ay “soo afjari doonto go'aamada aan laga fiirsan ee Washington” ee ah shidaalka iyo qiimaha cuntada.

Waxbarashada

McCollum: Waxay taageertaa maalgelinta buuxda ee degmooyinka iskuullada ee waxbarashada gaarka ah. Waxay tiri “Qof kasta oo ka soo baxa dugsiga sare waa in la diyaariyey oo uu garanayo xirfadaha aasaasiga ah iyo aasaaska waxbarashada si uu u guuleysto.”

Xiong: Waxay tiri “waxbarashadu ma aha wax maskaxda la geliyo.” Waxay taageersan tahay dejinta qorshe u oggolaanaya waalidiinku in ay dooran karaan waxa ilmahoodudu baranayaan. Farriin ay boostada intarnetka ugu soo dirtay MPR News 7dii Oktoobar, ololaha Xiong waxay ku sheegtay in ay dhaqangelin doonto qorshe siyaasad oo xoojinaya nidaamka waxbarashada oo awood u siinaysa macallimiinta laakiin waa inay diiradda la saaro baahiyaha ardeyda oo ay waalidku kala doortaan halka ay ilmahoodu uga helayaan waxbarasho.”

Bey'adda iyo isbeddelka cimilada

McCollum: Waxay wax ka qortay Heshiiska Nadiifinta Hawada oo waxay ka shaqeyneysay sidii loo mamnuuci lahaa macdanta naxaasta ee sulfaaydh-ore ee gudaha Biya-Dhac Roobka Wabiga.

Xiong: Farriin ay boostada intarnetka ugu soo dirtay MPR News Oct. 7, ololaha Xiong waxa sheegeen “waxa loo baahan yahay waa in aan dalkan ka soo saarno hal-abuurayaal si aanu xal ugu helno oo aanu dalkeena iyo adduunkaba uga dhigno kuwa nadiif ah, meel caafimaad badan oo lagu noolaado oo waa in la helo tamar la awoodi karo oo la isku halleyn karo.” Waxay sheegtay in Heshiiska Nadiifinta Hawada uu “aad u xun yahay oo uu joojinayo shaqooyinka, fursado, ilaha cuntada, oo uu ka dhigayo wax aan la awoodi karin oo aysan heli karin dadka ku nool Degmooyinka Ramsey iyo Washington.”

Beer-falashada iyo miyiga Minnesota

McCollum: Waxay dhawaan muujisay taageero loogu talagalay ”keydinta kaarboonka” si loogu caawiyo Minnesota inay hoggaamiso beer-falasho waarta.

Xiong: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Hubka

McCollum: Waxay taageertaa mamnuucidda hubka nooca ciidanka weerarka, in la sameeyo baarista shakhsiyeed in shuruud looga dhigo iibsashada hubka, in la mamnuuco iibinta rasaasta badan ee waaweyn iyo mamnuucid ah in federaalku hubka milatariga siiyo waaxyaha booliiska.

Xiong: Waxay tiri waa in aan haysanno “sharciyo caqligal ah oo wanaagsan si loogu dhex noolaado bulsho si wanaagsan u nidaamsan oo ammaan ah, oo waa in aan taageerno fulinta sharciga.”

Daryeelka caafimaadka

McCollum: Waxay u codeysay sharcigii daryeelka ee 2010, oo waxay sheegtay in ay taageerto xoojinta barnaamijyada Medicare iyo Medicaid ee federaalka. Waxay sheegtay in uu daryeelka caafimaadka dadka Maraykanka u ahaado xuquuq.

Xiong: Farriin ay boostada intarnetka ugu soo dirtay MPR News 7dii Oktoobar, ololaha Xiong waxay ku sheegtay inay rabto in dawladda federaalku dib u soo celiso lacagaha deeqda ahayd ee xayiraadaha gobollada si ay u xakameeyaan oo ay ugu isticmaalaan sida ay rabaan. Deeqaha xayiraadaha waa lacag ay dawladdu siiso gobollada si ay ugu bixiyaan manaafacaad ama adeegyo, sida Medicaid, Dakhliga Kabista Hawlgabka ee dadka naafada ah, iyo Barnaamijka Kaalmada Cuntada ee dadka saboolka ah. Sida ku cad fikrdaha Xiong, hal gobol ayaa bixin kara daryeel caafimaad ee dadkiisa oo dhan halka uusan gobol kale wax lug ku lahayn daryeelka caafimaadka ee dadkiisa.

Arrimaha socdaalka

McCollum: Waxay sheegtay in ay taageereyso dibu-habeynta sharciga soogalootiga. Waxay taageersan tahay sharciga joogtada ah ee DREAM ee dadka haysta sharciga meelgaar ah ee DACA, oo ay in loo helo hab dhalashada ku helaanqaar ka mid ah soogalootiga si sharci darro loogu keenay Mareykanka carruurnimadoodii, oo waxay rbtaa in ay aragto shuruudaha kuwa hoos yimaada Xaaladda Joogista Meelgaarka ah in la kordhiyo, heerka inta badan la siiyo soogalootiga Mareykanka ee dalkooda ay ka jirto dagaallo ama masiibo bay'adeed.

Xiong: Waxay sheegtay in xudduudda Mareykanka iyo Meksiko ay tahay in laga xiro dhammaan soogalootiga. Waxay ku doodeysaa in sidaas looga ilaalin karo haweenka iyo carruurta in la soo tahriibiyo, isla markaana ay yaraaneyso qulqulka daroogada ee dalkan la keenayo.

Doorashadii 2020

McCollum: Waxay tiri Trump “wuxuu isku dayey in uu u isticmaalo Waaxda Caddaaladda sidii hay'ad ah sharci-fulin oo isaga u gaar ah si ay uga caawiso inuu meesha ka saaro doorashada 2020.”

Xiong: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Map of Minnesota US house district 4
Minnesota US House District 4
Elisabeth Gawthrop | APM Research Lab