Hagaha codbixiyaha: Fiiri mawqifyada murashixiinta degmada 3aad ee soo-rididda ilmaha, dambiyada, iyo waxyaabo badan

Two mean in blue shirts pose for photos
Dean Phillips, bidix, iyo Tom Weiler.
Courtesy photos

Minnesota waxay leedahay siddeed degmo oo ah Kongareeska, oo mid walba uu matalo xubin ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka. Dhammaan sideedda kursi ayaa la wada dooranayaa deyrtan. 

Degmada 3aad ee Koongareeska, Wakiilka Aqalka Hoose Dean Phillips, oo ah Dimuqraadi oo markii ugu horreysay waxaa la doortay 2018 iyo mar labaad 2020, waxaa wajahay Tom Weiler, oo ah nin Jamhuuriga ku cusub iyo ka soo hawlgabay ciidanka Badda Mareykanka. Degmadu waxay dabooshaa inta badan xaafadaha magaalooyinka sida galbeedka Minneapolis oo ay ku jiraan qeybo ka mid ah degmooyinka Anoka, Carver iyo Hennepin. 

Halkan waxaa ah meeshauu musharax kasta ka taagan yahay qaar ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee reer Minnesota.

Soo-rididda ilmaha

Phillips: Wuxuu taageeraa xuquuqda soo-rididda ilmaha, iyo ka dib markii Aqalka Mareykanka uu ansixiyay laba sharci oo ilaalinaya helitaanka soo-rididda ilmaha ka dib markii laga noqday go’aankii Roe v. Wade, ayuu yiri“ soo-rididda Ilmaha waa daryeel caafimaad, waxaa ilaalin doonaa xuquuqda haweenka si ay u doortaan iyada oo la isticmaalayo wax kasta oo Aasaaseyaashu noo oggolaadeen.”

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Weiler: Waan ka soo horjeeda soo-rididda ilmaha. “Waan difaaci doonaa nolosha oo waxaan taageeri doonaa sharciyada xaddidaya soo-rididda ilmaha, marka laga reebo kiisaska kufsiga, uurka galmada dadqoys ah iyo nolosha haweeneyda,” ayuu ku qoray bartiisa intarnetka. Hase ahaatee, wuxuu yiri “Degmada Saddexaad ee Minnesota, haba yaraatee waxba iskama beddelin iska soo-rididda ilmaha” oo wuxuuna diiday in uu ka hadlo wakhtigii mamnuucista soo-rididda ilmaha ka dib dhowr toddobaad, sida laga soo xigtay Star Tribune

Dambiyada, booliiska iyo badqabidda dadweynaha

Phillips: Waxa uu sheegay in badqabidda dadwaynaha lagu kordhin karo maalgelinta waaxyaha booliiska iyo kuwa kale ee ah ee sameeya gurmadka. Waxa uu doorbidaa adeegyada caafimaadka dhimirka ee xubnaha bulshada iyo shaqaalaha gurmadka sida hindisaha badqabidda dadweynaha. Dhawaan, waxa uu soo bandhigay sharci, Sharciga Shaqooyinka Booliiska, oo wuxuu golaha ka codsanayaa in cod loo qaado. “Waxaan raacayaa saraakiisha booliiska, waxaan la kulmaa bulshada, oo waxaan raadiyaa fikrado iyo xal. Maanta waxaan gacan ka geystay dedaalka lagu ansixinayo afar sharci oo lagu taageerayo booliiska, yareynta dambiyada, iyo horumarinta amniga guud ee dalka oo dhan. Cadaaladda iyo amniga dadka oo dhan,” ayuu yiri Twitter. 

Weiler: Waxa uu sheegay in dambigu ayaa ka “ku badanaya” Degmada 3aad ee Koongareeska oo booliiska ayey taageersan yihiin. Waxa uu sheegay in uu “Waligaa ha u codeeynin in meesha laga saaro xasaanadda xaqa loo yeelan karo aad isaga difaacdo booliiska.” Wuxuu u sheegay Star Tribune waxa uu taageerayaa “booliis jooga iskuul kasta.”

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Phillips: ”In wax laga qabto dhibaatadan ma fududaan doonto — gaar ahaan hadda — laakiin waxaan aaminsanahay iyada oo loo marayo qorshe canshuureed oo caddaalad ah, miisaaniyad masuuliyad ah, iyo in diiradda saaro kobaca dhaqaalaha, oo waxaan ugu yaraan heli karnaa waddada saxda ah,” ayuu qoray barstiisa intarnetka.

Weiler: Wuxuu bartiisa intarnetka ku soo qoray, Waxaan ka shaqayn doonaa sidii aan u joojin lahaa kharashaadka masuuliyad darrada ah ee Madaxweyne Biden iyo Xildhibaan Phillips. Dadka reer Minnesota ee degmada 3aad waxay u baahan yihiin in loo hubiyo kharashaadka aan masuuliyadda lahayn ee bidixda-fog ee Madaxweyne Biden. Xildhibaan Phillips waa shaabbad caag ah, waxaan noqon doonaa jeega, dib u soo celiya dheellitirka dowladeena.” Wareysi ay yeesheen WCCO, wuxuu aad u dhaliilay Xeerka Yareynta Sicirbararka, ku dhawaad $700 bilyan xirmo ah oo maamulka Biden ayaa u soo gudbiyey hoos u dhigida tamarta iyo kharashka daryeelka caafimaadka.

Waxbarashada 

Phillips: ”Dean wuxuu taageeraa barnaamijyada diyaarinta macallinka iyo dedaallada kale ee lagu caawinayo shaqaaleysiinta dadyow badan oo ka soo jeeda bulshooyinka ku yar xirfadda,” ayuu ku bartiisa intarnetka qoran.

Weiler: Bartiisa intarnetka, waxaa ku qoran “Manhajyada diirada saaraya in maaddooyinka oo dhan la dhigo wakhti kasta iyada oo loo marayo isirka iyo kala qeybinta si fiican uguma adeegayaan caruurteena. Laakiin, waxay nagu abuurayaan kala-qeybin dheeraad ah. Taariikhda, Wax-akhriska, Xisaabta, Ingiriiska, Seyniska iyo maaddooyinka kale ee muhiimka ah waa in ay ahaadaan waxa diiradda lagu saarayo waxbarashada.” Qeybta ra’yiga ee wargeyska Star Tribune, Weiler waxa uu ku sheegay in uu ugu horreyn u tartamayo xafiiska si uu ula dagaallamo “waxbarashada saameynta ku yeelatay.”

Deegaanka iyo isbedelka cimilada

Phillips: Waxa uu qorsheynayaa in uu hoos u dhigo kharashka tamarta oo uu dedejiyo in loo wareego dhaqaalaha tamarta nadiifka ah halka uu jarayo qiiqa 40 boqolkiiba 2030, sida ku qoran bartiisa intarnetka.

Weiler: Wuxuu Twitter ku qoray “@POTUS waxa uu sameeyey tallaabo sax ah oo uu ku jarayo saliidda Ruushka ee Mareykanka. Hadda aynu dib u helno madaxbannaanida tamarta Mareykanka. Wuxuu u sheegaye Star Tribune, “Waa in la ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah. Waxaan taageeraa tignoolajiyada saxda ah (Nuyuukliyeerka, gaaska dabiiciga ah, dabeysha, qorraxda) hubinta madaxbanaanida tamarta iyo ilaalinta bey’adda.”

Hubka

Phillips: Waxa uu u codeeyay sharci u baahan in la soo baaro taariikhda asalka ee mar kasta oo la iibinayo hub, waxaan uu gacan ka geystay in la ansixiyo Xeerka Badqabidda Dadweynaha ee Labada dhinac, kaas oo “sameynayaa habka hubinta asalka oo la xoojiyey ee iibsiga qoryaha da’da ka yar 21, wuxuu bixiyaa maalgelin federaal ah si loo fuliyo sharciyada wax lagu garto ee gobolka, hub ka dhigista dadka sameeya tacaddiga guriga iyagoo wax laga qabanaya daldaloolada lammaanaha iyo shukaansiga, oo waxa uu maalgeliyey barnaamijyada waxqabadka rabshadaha bulshada, iyo waxyaabo kale,” sida laga soo xigtay Wargeyska Everywhere.

Weiler: ”Anigu waxaan u istaagi doonaa taageeridda dastuurka Qodobkiisa Labaad,” ayuu yiri shirweynaha GOP. Wuxuu u sheegay Star Tribune, Waxaan taageersanahay hubinta baarista ah, tallaabooyinka xakameynta hubka oo caqligal ah, hubka sharci darrada ah in jidadka laga soo qaado, in aad loo helo caafimaadka maskaxda ah.”

Daryeelka caafimaadka

Phillips: “Intii la baabi’in lahaa oo la tirtiri lahaa Sharciga Caafimaadka Dean wuxuu taageeraa soo jeedinta laba geesoodka ah si loo dejiyo suuqyada ceymiska ee ay dejisay ACA oo ay u keento tartan badan meelaha ka maqan fursadaha ceymiska,” bartiisa ayuu ku soo qoray.

Weiler: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne oo dhawaan uga jawaabay arrintan.

Soogalootiga 

Phillips: “Mareykanka aan ogahay oo aan jeclahay waa Mareykan naxariis badan oo qiimeeya soona dhaweeya dadka dedaalka badan ee halkan la yimaada riyo waaweyn iyo rabitaanka fudud ee badqabidda iyo fursada. Arrintan ma aha mid Jamhuuriya ama Dimuqraadi ah. Waa arrin bini’aadmimo ah — iyo arrin dhaqaale — oo waa inaan samayno si ka wanaagsan,” ayuu yidhi website ayuu bartiisa ku qorayt.

Weiler: “Xuduuddeenu ma ahan mid sugan, mana ahan mid ammaan leh. Sugidda Xuduudda Koonfureed waa tallaabada 1aad ee dibu-habeynta sharciga soogalootiga, “ayuu ku soo qoray Twitter.

Doorashadii 2020

Phillips: Waxa uu ku biiray Golaha Aqalka Sare ee Mareykanka ee Kooxda Xal Raadinta, koox laba geesood ah oo ansixiyay sharci lagu abuuray guddi soo baara kacdoonkii 6dii Jan.

Weiler: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne 'oo uu dhawaan uga jawaabay arrintan.

Map of Minnesota US house district 3
Minnesota US House District 3
Elisabeth Gawthrop | APM Research Lab