Hagaha Codbixiyaha: Halka ay arrimaha jira ka taagan yihiin murashixiinta xaafadda degmada labaad ama 2nd District

Two side by side portraits one of a woman and one of a man.
DFL U.S. Rep. Angie Craig (left) and Republican challenger Tyler Kistner.
Evan Frost | MPR News and Submitted

U.S. Rep. Angie Craig, waxay ka shaqeyn jirtay xil madaxnimo oo ah qalabka caafimaadka, waxay murashax tahay markii labaad, oo waxay iska horjeedaan murashaxa jamhuuriga ama Republican Tyler Kistner, oo hawlgab ka soo noqday ciidanka mariinada ama Marine Corps.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan dadka ku nool Minnesota.

Madaxweyne Trump

Craig: Waa qofka, qeybta ugu badan, ka soo horjeesatay waxyaabaha ay taageersan yihiin xukuumadda Trump. Sannadkii 2019 waxay u codeysay qodobbadii xilka looga xayuubin lahaa Madaxweyne Trump. Waxay sheegtay inay isku dayday inay meel dhexe isugu yimaadaan madaxweynaha iyo xisbiga kale.

Kistner: Waxa uu muujiyey taageero inuu u hayo xukuumadda, weliba dedaalladii madaxweynuhu ku kordhinaayey miisaaniyadda ciidanka xoogga.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Booliiska oo wax laga beddelo

Craig: Iyadu ma taageersana goynta miisaaniyadda booliiska laakiin waxay rabtaa is beddel lala beegsanayo joojinta isirsooca kala duwan oo waa wax loo baahan yahay.

Kistner: Wuxuu niyad u hayaa farriin ah sharciga-iyo-ixtiraamkiisa. Sida Craig, wuxuu sidoo kale ka horjeedaa dedaallada goynta miisaaniyadda booliiska.

Xanuunka faafaya ee COVID-19

Craig: Waxay u codeysay taageero dhaqaale oo dheeraad ah in la siiyo dadka uu saameeyey xanuunka faafaya. Waxay taageersan tahay sharci-dejin lala beegsanayo dedaal lagula socdo xanuunka faafaya.

Kistner: Wuxuu ballan ku qaaday inuu caawiyo meheradaha yaryar iyo qoysaska ay saameynta ka soo gaartay xanuunka faafaya.

Xakameynta Hubka

Craig: Waxay taageersan tahay cilmi-baarista in lagu ballaariyo dhibaatada hubka, si degdeg ah in dadka loo soo baaro taariikhdooda shakhsiga ah markay iibsanayaan hub iyo in la mamnuuco iibinta hubka heerka ciidanka xoogga nooca u dhaca si darandoorri ah.

Kistner: Wuxuu ka horjeedaa sharci cusub in lagu daro xakameynta hubka iyo inuu taageero barashada hubka iyo in la ballaariyo daryeelka caafimaadka dhimirka si looga hortago dhibaatada hubka.

Daryeelka caafimaadka

Craig: Waxay rabtaa in xoogga la saaro yareynta kharashka daryeelka caafimaadka si loo yareeyo lacagta daawooyinka iyo hab ah caafimaadka dadweynaha oo lagula tartamo shirkadaha ceymiska ah ee gaarka loo leeyahay.

Kistner: Wuxuu rabaa in daryeelka caafimaadka laga dhigo wax la awoodi karo oo bukaankana lagu siiyo kala-doorasho, qaansheegadka oo daahfuran iyo ballaarin ah habka Koontada Keydka Caafimaadka ama Health Savings Accounts. Waxa kale oo uu taageersan yahay in xayiraadda laga daayo shirkadaha daawooyinka ee Kanada iyo kuwa Yurub, taasoo u diideysay inay ka qeyb galaan arrimaha daryeelka caafimaadka.

Waxbarashada

Craig: Waxay rabtaa in ay mudnaan siiso maalgelinta iskuullada dadweynaha, sharci ka dhigi doona labada sano ee ugu horreysa ee tacliinta sare mid bilaash ah iyadoo taageereysa maalgelin badan in la siiyo kuleejyada 2-da sano ee dadweynaha.

Kistner: Wuxuu taageersan yahay in gobollada awood loo siiyo waxbarashada asagoo ka horjeeda kala-doorashada iskuullada.

Arrimaha socdaalka

Craig: Waxay  taageertaa amniga xuduudaha laakiin ma taageersana darbiga xuduudda ee Trump. Waxay sidoo kale taageersan tahay in wax laga beddelo ciidanka xuduudaha ee ICE iyadoo qeyb ahaan qortay sharci lagu hirgelinayo qaadashada dhalashada dalka ee carruurihii dalka ku yimid yaraanta.

Kistner: Wuxuu taageersan yahay amniga oo la ballaariyo, sida darbiga xuduudda

Soo-rididda ilmaha

Craig: Waxay taageersan tahay “xuquuqda taranka ah oo buuxda” in ay dumarku xor u yihiin.

Kistner: Wuxuu ka horjeedaa soo-rididda ilmaha isagoo taageersan mamnuucidda federaalka ah ee maalgelinta soo-rididda ilmaha iyo ururka waalidnimada qorsheysan ama Planned Parenthood.

Shaqooyinka iyo dhaqaalaha

Craig: Waxay taageersan tahay in lala socdo xiriirrada dadka qaba xanuunka faafaya, ballaarinta intarnetka si loo caawiyo meheradaha dhulka miyiga iyo canshuurta oo wax laga beddelo si loo xiro khiyaamidda canshuurta iyo in la caawiyo meheradaha yaryar.

Kistner: Wuxuu taageersan yahay in wax laga beddelo lana sameeyo heshiisyo cusub oo ah ganacsiga  dunida iyo iskaashiga gobolka si loo abuuro shaqooyin.

Is-beddelka cimilada

Craig: Waxay taageersan tahay sharci-dejin lagu canshuuro kaarboonka hawada wasakheeya iyadoo taageereysa in la soo hindiso qalab cusub si loola tacaalo cimilada is beddeleysa

Kistner: Wuxuu ka hadlay inuu ka soo horjeedo sharciga tamarta ee ay ballaarineyso dowladda.

Canshuuraha iyo kharashaadka dowladda

Craig: Waxay iyadu keentay sharci-dejin lala beegsanayo dabargoynta in si xun loo isticmaalo lacagta canshuurta ah ee dadka laga qaado. Waxay u codeysay oo taageertay maalgelin lagu kharash gareeyo waxyaabaha kala ah waxbarashada, daryeelka caafimaadka miyiga iyo beer-falashada.

Kistner: Wuxuu taageersan yahay ballaarinta canshuurta oo la yareeyo iyo canshuurta in laga daayo meheradaha yaryar. Wuxuu rabaa is beddel badan in lagu sameeyo miisaaniyadda qaranka, iyadoo xoogga la saarayo kharashaadka in la yareeyo.

Xashiish ama Mariwaana

Craig: Waxay wax ka qortay sharci-dejin danbiga looga dhaafo mariwaanada oo waxay mar hore caddeysay taageerada ay u hayso sharciyeynta ah daawo ahaan in ay u isticmaalaan mariwaanada dadka ka weyn 21 jir.

Kistner: Isagu uma muuqdo inuu dadweynaha u muujiyey is beddel in lagu sameeyo mariwaanada.