Hagaha Codbixiyaha: Halka ay arrimaha jira ka taagan yihiin murashixiinta aqalka sare ee Sanetka Mareykanka

A photo collage of Jason Lewis and Tina Smith
Democratic Sen. Tina Smith and Republican-endorsed challenger Jason Lewis debated via computer from their homes rather than at the western Minnesota estate where FarmFest has long been held.
Photos by Jim Mone and Carolyn Kaster, AP | Illustration by MPR News

Tartanka keliya ee waraaqaha codbixinta gobolka Minnesota oo dhan ee deyrta lagu jiro ka dib loolanka madaxweynaha waa ololaha aqalka sare oo ah kursiga bannaan ee U.S. Senate. DFL xildhibaanka hadda. Tina Smith waxaa tartan kula jira nin mar hore soo ahaa wakiil jamhuuri ah oo ku hawlan barnaamij dadku ku doodo, Jason Lewis.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan dadka ku nool Minnesota.

Madaxweyne Trump

Smith: Madaxweynaha ayey aad ugu dhaliishay arrimo badan. Waxay la safatay dimuquraaddiyiinta aqalka hoose ama House Democrats intii ay socotay dacwadii ahayd in madaxweynaha xilka laga qaado ee 2019 oo waxay u codeysay in xilka laga xayuubiyo, balse iyadu bilowgii hore waa ay diiddaneyd.

Lewis: Wuxuu ahaa nin taageersan  Trump oo dhinaciisa ayuu ahaa markii uu ahaa murashaxa aqalka hoose ee gobolka 2018. Lewis wuxuu idaacadda raadiyaha MPR News u sheegay inuu wax kasta ku raacsan yahay madaxweynaha, sida dhaqaalaha, socdaalka iyo arrimaha tamarta in la isaga filnaado. Trump wuxuu taageero u muujiyey Lewis.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Booliiska oo wax laga beddelo

Smith: Smith ma taageersana in maalgelinta laga gooyo waaxyaha booliiska laakiin waxay taageersan tahay xoogaa in wax laga beddelo booliiska, sida ceejinta oo la mamnuuco, sameynta shuruudo heer federaal ah iyo diiwaan ah heer qaran oo lagu qoro habdhaqanka booliiska.

Lewis: In kastoo Smith ay ku soo celcelisay in miisaaniyadda laga gooyo booliiska, Lewis wuxuu ku celceliyaa in ay Smith sidaas rabto inay sameyso.  Asagu ma taageersana in miisaaiyadda laga gooyo waaxyaha booliiska oo wuxuu ka soo horjeestay is beddel in lagu sameeyo. Lewis wuxuu ku doodayaa in dadka Minnesota ee ku nool magaala kasta daafaheeda iyo kuwa ku nool dhulka miyiga ah inay ka welwelaan dibadbaxyada iyo burburinta hantida ee Minneapolis iyo St. Paul inay u soo gudbeyso deegaamadooda. 

Xakameynta hubka

Smith: Smith waxay taageersan tahay wax ay iyada iyo qaar kale ugu yeeraan  “hab caqli-gal ah” in hubka loogu soo rogo shuruudo wax looga beddelo. Waxay taageertay sharci-dejin dadka dambiilaha ah looga mamnuucayo in ay hub haystaan, in la adkeeyo baarista taariikhda dadka  hubka iibsanaya oo waxay taageertay Mamnuucidda Hubka Waaweyn 2019.

Lewis: Lewis wuxuu mudnaanta siinayaa "ilaalinta iyo difaacidda" xuquuqaha qodobka labaad ee dastuurka ama Second Amendment rights. Xilligii uu ahaa xildhibaanka aqalka hoose wuxuu ka biya diiday in la xoojiyo sharciyada lagu xakameynayo hubka.

COVID-19

Smith: Smith waxay taageertay in la badiyo baarista iyo kaalmada dhaqaale -- gaar ahaan deegaamada miyiga ah, dadka ka shaqeeya xannaannada carruurta, iyo dowladaha hoose -- inta uu socdo xanuunka faafaya. Waxay taageertay markii ugu horreysay ee Kaalmadii Dhaqaale ee Faayruska Karoona ee sannadkan bilowgiisii. Dimuquraadiyiinta markii labaad ayey hor istaageen kaalma dhaqaale oo ah faayruska karoonaha oo dheeraad ah oo waxaa soo jeediyey xisbiga jamhuuriga, iyagoo diiddan shuruud ah in laga yeelo iskuullada in la kala dooran karo iyo shirkadaha waaweyn inaan loo dacweyn karin COVID-19 awgiis.

Lewis: Lewis wuxuu aad u dhaliilay sharciyada lagu yareynayo faafidda COVID-19 ee uu soo rogay Guddoomiye Tim Walz iyo saameynta uu ku yeelanayo meheradaha. Wuxuu soo xareeyey dacwad ka dhan ah guddoomiyaha, asagoo ku doodaya in ay xayiraaduhu xadgudub ku yihiin ololahiisa.

Daryeelka Caafimaadka

Smith: Waxay liiska u qoratay in ay hoos u dhigeyso lacagta badan ee laga bixiyo daawooyinka in ay mudnaanta koowaad siiso iyo inay sii hagaajiso sharciga daryeelka caafimaadka ee Affordable Care Act. Waxay ka horjeeddaa dedaallada lagu yareynayo adeegyada caafimaadka ee Medicaid ama Medicare, in kasta oo aysan taageersaneyn hal nooc oo caafimaad ah ama Medicare-for-all.

Lewis: Wuxuu taageersan yahay dedaallada xoogga lagu saarayo yareynta lacagta ceymiska, lacagta dadka marka hore laga rabo iyo lacagta qeybta dadku bixiyo. Lewis wuxuu ka horjeedaa in “hal-meel laga bixiyo kharashka caafimaadka, ama hab ay dowladdu masuul ka tahay.” Waxa kale oo uu rabaa in laga noqdo sharciga daryeelka caafimaadka ee Affordable Care Act.

Waxbarashada

Smith: Smith waxay rabtaa in wax laga qabto sinnaan la'aanta waxbarashada iyadoo taageersan tababar shaqo iyo tababar farsamo ah in ay yihiin dariiqa lagu heli karo shahaado jaamacadeed oo ah afar sano. Waxay taageertaa in lacagta loo badiyo kuleejyada labada sano iyo kuwa farsamada oo waxay wax ka qortay sharci dib loogu eego kharahska waxbarashada ee ardeyda ka qalinjebisay kuleejyada.

Lewis: Lewis waxa kale oo uu taageersan yahay in xoogga la saaro waxbarashada farsamada. Wuxuu qoray sharci ah in tixgelinta laba meel in la isku qoro shaqada mustaqbalka iyo waxbarasho farsamo ah xilli lagu jirey dibu-hagaajinta sharci la yiraahdo revamp of the Perkins Act  sannadkii 2017.

Arrimaha socdaalka

Smith: Waxay ka shaqeysay sharci ay ku joogaan oo dhalasho ku qaataan dadka xaqa u leh ee ka soo jeeda dalka Laaybeeriya oo waxay dhaliishay xukuumadda Trump inay joojiyeen barnaamijkii sharciga in loo cusbooneysiiyo dadkii la siiyey joogista labada sano ama Deferred Enforcement Departure. Waxay taageereysaa “habab sahlan oo lagu ilaaliyo xuduudaha” oo waxay dhaliishay dhaqaale la'aan ay sheegtay in ay caqabad ku tahay habka socdaalka.

Lewis: Wuxuu taageersan yahay derbiga laga dhisayo Meksiko iyo “joojinta muhaajiriin ku soo gasha sharci-darro.” Kulan dadweyne sannadkan bilowgiisii, Lewis wuxuu taageeray Beltrami County go'aan ay ku mamnuuceen in qaxooti la soo dejiyo deegaankooda.

Soo-rididda ilmaha

Smith: Waxay tiri nolosha waa qofba siduu rabo, oo waxay la shaqeysaa ururka waalidnimada qorsheysan iyadoo ka dhigtay caafimaadka haweenka iyo kaalmada xannaannada carruurta arrin muhiim u ah ololaheeda.

Lewis: Mar hore ayuu u codeeyey in la mamnuuco soo-rididda uurka marka uu gaaro 20 usbuuc iyo inaan lacag dowladeed lagu bixin soo-rididda ilmaha iyo adeegyada caafimaadka arrimahaas la xiriira. Waxa uu taageero ka helay koox ka soo horjeedda soo-rididda ilmaha oo la yiraahdo Minnesota Citizens Concerned for Life.

Shaqooyinka iyo dhaqaalaha

Smith: Smith waxaa u qorsheysan inay xoogga saarto dhisidda hab caafimaad Mareykan ah oo fiican, si kaalmo loo siiyo qoysaska gacanta u baahan inta lagu jiro xanuunka faafaya, tababarka shaqaalaha in la badiyo iyo shaqooyinka u fiican hawada iyo cimilada. Waxay mudnaan siisaa in la isku soo dhaweeyo farqiga u dhaxeeya jinsiyada iyo in la helo xannaano u fiican carruurta iyo shaqaalaha.

Lewis: Lewis wuxuu farta ku fiiqay tuubbada shidaalka ee Enbridge Line 3 pipeline  iyo macdan-baaris cusub in la sii badiyo oo lagu xoojiyo dhaqaalaha Minnesota. Markii uu ahaa xildhibaanka aqalka hoose, wuxuu u codeeyey Sharciga Shaqa-helidda iyo Yareynta Canshuuraha isagoo taageeraya “dhisidda jidad waaweyn oo fiican.

Is-beddelka cimilada

Smith: Waxay taageersan tahay in la maalgelinta farsamada casriga ah ee tamarta nadiifka ah, dedaal ah sharci-dejin oo ay ku boorriso dhaqaaleynta kaabayaasha beeraha iyo qorista Sharciga Shuruudda Tamarta Nadiifka ah taasoo lagu dhiso shuruud ah tamar nadiif ah heer federaal.

Lewis: Wuxuu yiri deegaanka fiican waa suuroobayaa iyadoo laga shaqeysanayo “macdan-baaris macquul ah iyo mashruucyo ah tamarta iyo geedo-jarista” oo wuxuu  ka soo horjeestay dedaallo lagu joojinayo mashruucyo ka socda waqooyiga Minnesota. Wuxuu taageersan yahay in duurka geedaha ah laga dhigo meelo si weyn looga baaro tamarta casriga ah.

Canshuuraha iyo kharashaadka dowladda

Smith: Smith waxay rabtaa in taageero dheeraad ah la siiyo meheradaha yaryar iyo dadka ganacsiga abuurta. Waxa kale oo ay taageersan tahay habka canshuurta oo ka dhan ah qoysaska “Mareykanka hantida haysta.”

Lewis: Lewis wuxuu taageersan yahay yareynta canshuurta iyo kharashaadka kale. Wuxuu u codeeyey Sharciga Shaqa-helidda iyo Yareynta Canshuuraha sannadkii 2017. Waxa kale oo uu taageersan yahay yareynta canshuuraha si loo helo meherado cusub oo gobolka u soo guura.

Xashiish ama Mariwaana

Smith: Waxay taageersan tahay shaciyeynta mariwaanada inay dadka waaweyn iska cabbaan.

Lewis: Wuxuu taageersan yahay sharciyada mariwaanada inay gobolladu iyaga masuul ka yihiin.