Hagaha Codbixiyaha: Halka ay arrimaha jira ka taagan yihiin murashixiinta xaafadda degmada koowaad ama 1st District

Jim Hagedorn, Dan Feehan
Candidates in Minnesota's 1st District Congressional race in the November 2018 election from left, Republican Jim Hagedorn and Democrat Dan Feehan before a parade in Waterville, Minn. Feehan says he's running again for Congress in southern Minnesota after narrowly losing to Republican Hagedorn last year. Hagedorn edged Feehan by about a half-percentage point for the seat Tim Walz left for his successful run for governor.
Jim Mone | AP Photo

Murashaxa DFL ee Dan Feehan, wuxuu soo noqday askari loo qaaday Ciraaq, macallin iyo hawl-wadeen Waaxda Difaaca, oo wuxuu tartan ugu jiraa kursiga wakiilka koongareeska ama U.S. Rep. Murashaxa Jim Hagedorn, waa jamhuuri ama Republican ka soo shaqeeyey Washington Waaxda Khasnajiga ee kursiga degmada koowaad ama 1st District.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan dadka ku nool Minnesota.

Madaxweyne Trump

Hagedorn: Waa nin caadi ahaan madaxweynaha wax kasta ugu codeeya. Wuxuu u ololeeyey madaxweynaha isagoo ballan qaaday inuu taageerayo Trump.

Feehan: Wuxuu mar kale axdi ku galay sidii 2018 inuu ahaado “cod madaxbannaan oo jooga Washington.” Feehan wuxuu dhaliilayaa xukuumadda Trump sida ay uga jawaabeen xanuunka faafaya.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Booliiska oo wax laga beddelo

Hagedorn: Wuxuu dhawaan saxiixay “axdiga booliiska,” oo uu ku sheegtay  inuu taageerayo booliiska kana horjeedo ficil kasta oo miisaaniyadda looga goynayo.

Feehan: Wuxuu ka hadlay sida uu u taageersan yahay caddaaladda habka loogu adeegsado dadka isirrada kala duwan in wax laga beddelo. Wuxuu yiri Koongareeska waa in uu ficil ka sameeyo si loo taageero bulshada oo dhan si looga hortago dambiyada.

Xanuunka faafaya ee COVID-19

Hagedorn: Wuxuu taageersan yahay Barnaamijka Lacagta Kabista ah. Wuxuu rabaa si buuxda in dhaqaalaha dib loogu furo. Wuxuu taageersan yahay baarista dheecaanka difaaca jirka iyo in la hubiyo isbitaallada miyiga ku yaalla inay helaan maalgelin ku filan.

Feehan: Wuxuu taageersan yahay in xoogga la saaro caafimaadka dadweynaha iyadoo laga dhigayo tallaabada koowaad ee dhaqaalaha dib loogu furayo.. Wuxuu martigeliyey kulan dadweyne oo uu ku qabtay khadka intarnetka oo ku saabsanaa faayruska. Wuxuu doonayaa in la badiyo helidda baarista COVID-19.

Xakameynta Hubka

Hagedorn: Wuxuu rabaa inuu difaaco qodobka labaad ee dastuurka ama 2nd Amendment oo wuxuu ka soo horjeedaa sharci-dejinta lagu ballaarinayo baarista shakhsiga ah ee dadka hubka raba

Feehan: Wuxuu taageersan yahay baaris guud ahaaneed oo dadka oo dhan ah iyo in la joojiyo mamnuucidda federaalka ah ee cilmi-baarista dhibaatooyinka hubku keeno.

Daryeelka caafimaadka

Hagedorn: Wuxuu dhaliilayaa caafimaadka dowladdu bixiso ee Affordable Care Act oo wuxuu taageersan yahay in la hagaajiyo noocii hore ee Medicare “asagoo ka horjeeda dedaallada culeyska ku noqonaya nidaamka habkii hore ee caafimaadka.” 

Feehan: Wuxuu taageersan yahay in la ballaariyo Medicare laakiin ma aha nooca qof kasta helayo ee Medicare-for-all. Wuxuu sheegay in uusan daryeelka caafimaadku ahayn arrin la siyaasadeeyo. Wuxuu u maleynayaa in kharashka badanaya uu caqabad ku noqday daryeelka iyo daaweynta.

Waxbarashada

Hagedorn: Wuxuu taageersan yahay sharci-dejin lagu hubinayo in carruurtu helaan cuntada ay u baahan yihiin in ay ku cunaan iskuulka. Wuxuu taageersan yahay ballaarin xaq loogu yeesho hab lacag-dhaqaaleysi ama Flexible Spending Account in lagu daro lacagta waxbarashada lagu bixiyo.

Feehan: Wuxuu rabaa in la isku hubo in ay jiraan siyaabo badan oo lagu heli karo fursado ah sannadka iskuulka ka horreeya. Wuxuu rabaa in la isku hubo in ay jiraan adeegyo ku filan oo qiimahoodu jaban yahay macallimiinta waxbarista iyo barbaarinta hore ee dhallaanka. Wuxuu rabaa xakameynta kharashka xannaannada caruurta. Wuxuu taageersan yahay sharci-dejin lagu xadeynayo amaahda ardeyda laguna kordhinayo siyaabo shaqo lagu helo oo looga cafiyo amaahdii waxbarashada. 

Arrimaha socdaalka

Hagedorn: Wuxuu taageersan yahay in la adkeeyo amniga xuduudda Meksiko iyo Mareykanka, in darbi laga dhiso xuduudda. Wuxuu rabaa muhaajiriinta la isugu keeno qoys ahaan inuu ku beddelo kuwa loo eego aqoontooda iyo baahida loo qabo ajinnabiga oo wuxuu ka soo horjeestay magaalooyinka qariya dadka sharci darrada ku jooga iyo xuquuqda dhalashada ee ilmaha aan waalidkood sharci haysan.

Feehan: Wuxuu taageersan yahay in wax laga beddelo arrimaha socdaalka  oo xoogga la saaro amniga xuduudka iyo dhaqaale wanaagsan. Wuxuu yiri Mareykanku waa inay “mudnaan siiyaan dadka keena mukhaadaraadka, danbiileyaasha, iyo argaggixisada soo galeysa dalka.”

Soo-rididda ilmaha

Hagedorn: Wuxuu taageersan yahay sharci-dejin lagu joojinayo soo-rididda ilmaha, oo waxaa ku jira Sharciga nolol in lagu dhasho oo laga badbaado soo-rididda ilmaha ama Born-Alive Abortion Survivors Act iyo sharci ah in ay noloshu ka bilaabato marka ay ilmuhu calool galaan ama  Life Begins at Conception Act.

Feehan: Wuxuu ka horjeedaa in la xadeeyo sharciga soo-rididda ilmaha, oo la yiraahdo “Arrimaha taranka waa arrin shakhsi ah ee ma aha inay xukumaan siyaasiyiinta Washington.”

Shaqooyinka iyo dhaqaalaha

Hagedorn: Wuxuu rabaa in la hagaajiyo iyo ballaarinta suuqyada beeraleyda ee Minnesota farmers. Wuxuu taageersan yahay miyiga in intarnet la gaarsiiyo iyo kaalmo dheeraad ah in la siiyo meheradaha yaryar. Waxa kale oo uu xoogga saarayaa ballaarinta shaqooyinka ah beeraha, warshadaha iyo dhanka caafimaadka.

Feehan: Wuxuu taageersan yahay heshiisyada ganacsiga marka ay faa'iido ugu jirto beeraleyda isagoo ka horjeeda canshuuraha saameynaya beeraha. Wuxuu sheegay inuu la shaqeynayo ururrada shaqaalaha, kuleejyada iyo meheradaha si uu shaqooyin ugu abuuro.

Is-beddelka cimilada

Hagedorn: Wuxuu diiday seyniska ku saabsan is beddelka cimilada, oo wuxuu yiri “Ma rumeysni inuu jiro is beddel ay dadku cimilada ku sameyn karaan.” Wuxuu ku raacsan yahay dedaallada Trump uu ku ballaarinayo wax-soosaarka dhuxul-dhagaxda hawada wasakheysa.

Feehan: Wuxuu ku baaqay cimiladu inay tahay khatar haysata amniga qaranka isagoo taageeraya ballaarinta tamar nadiif iyo joogto ah in loo helo dhulka miyiga ah ee Minnesota.

Canshuuraha iyo kharashaadka dowladda

Hagedorn: Wuxuu wax ka soo qoray sharciga lagu difaacayo in la soo saaro oo la soo hindiso agab caafimaad ama Protect Medical Innovation Act, “si looga daayo canshuurta dheeraadka ah ee hortaagan in la soo hindiso agab caafimaad.”

Feehan: Wuxuu sheegay inuu u dagaallami doono  badinta canshuur-caliska ilmaha lagu helo. Wuxuu doonayaa inuu badiyo maalgelinta xannaannada carruurta iyo sidoo kale gaadiidka iyo jidadka waaweyn.

Xashiish ama Mariwaana

Hagedorn: Asagu ma taageersana in la sharciyeeyo oo la iska cabbo mariwaanada.

Feehan: Wuxuu taageersan yahay in la sharciyeeyo oo la iska cabbo mariwaanada.