Hagidda Codbixiyaha: Halka ay arrimaha socda ka taagan yihiin murashixiinta degmada lixaad ama 6th District

Side by side portraits of a man and woman.
Rep. Tom Emmer and Democratic congressional candidate Tawnja Zahradka.
Evan Frost | MPR News and Courtesy of Tawnja Zahradka

Degmada 6-aad ama 6th District, waa kursi uu hadda haysto xildhibaan jamhuuri ah ama Republican Rep. Tom Emmer waxaa la tartamaya murashax ah dimuquraaddi ama DFL Tawnja Zahradka. Halkan ka akhriso meelaha ay kala taagnaayeen murashixiinta markii ay isaga hor yimaadeen dood loogu qabtay idaacadda raadiyaha MPR News.

Furiddii hadalka

Emmer: Emmer wuxuu sheegay inuu rabo in ay dadka dooranaya xusuustaan waxa hagaajin kara Minnesota iyo Mareykanka: xorriyadda iyo fursadda.

“Waxaan dhammaanteen rabno waa daryeel caafimaad oo aad u fiican. Waxaan dhammaanteen rabno waa bay'ad aad u fiican. Waxaan dhammaanteen rabno waa dhaqaale aad u fiican. Laakiin xalka lagu gaarayo waxyaabahaas dadka ayey ku xiran tahay, kuma xirna dowladda,” ayuu yiri Emmer.

Emmer wuxuu ka hadlay arrinta uu xoogga saarayo oo ah caafimaadka dhimirka. Wuxuu sheegay inuu gacan ka geystay helidda $10 malyan oo lagu maalgeliyo adeegyada caafimaadka ee dadka nugul iyo taageerada gaar ahaaneed ee lagu hubiyo sharciga Abby Honold Act oo booliiska ku caawinaya in ay si fiican u fahmaan dhibbaneyaasha ay ku dhacday tacaddiyada jinsiga. Waxa kale oo uu soo xaqiijiyey helidda in ka badan $55 malyan oo ah maalgelin federaalka ah oo lagu bixinayo mashruucyada jidadka iyo buundooyinka ee Minnesota.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Zahradka: Zahradka waa haweeneey aan weligeed ku fekerin in ay noqoto murashax xildhibaan ah. Hase yeeshee, ka dib mar ay tagtay kulan dadweyne kii abid ugu horreeyey intii ay deggeneyd St. Cloud, waxay garowsatay in ay khasab ku tahay in ay wax sameyso. Sida ay Zahradka sheegtay, gabar 10-jir ah ayaa istaagtay oo Emmer weydiisay sida uu u oggolaan karo in qoysas la kala reebo oo xeryo xunxun lagu kala xareeyo.

“Wuxuu yiri, Waa hagaag, xeryo xunxun ma aha, waa deyd weyn oo wareegsan,” ayey tiri Zahradka.

Zahradka waxay sheegtay in uu ololeheedu fiicanaado, laakiin Emmer awgiis ayey mucquul u noqon weyday. “Wuxuu ka codeeyey haweenka in laga difaaco tacaddiyo, wuxuu u codeeyey in laga joojiyo daryeelka caafimaadka isagoon ogeyn qorshaha waxa loogu beddelayo malaayiin dad ah, oo wuxuu ku dedaalay inaysan Minnesota helin lacagaha federaalka ee dib loogu dhisayo burburkii ka yimid kacdoonkii George Floyd,” ayey tiri Zahradka.

COVID-19

Emmer: Emmer wuxuu yiri Aqalka Hoose waxaan mar hore sameynay ficil aan abid horay loo arkin, oo ah in ay labada xisbi ka wada shaqeeyaan ansixinta sharciga CARES Act iyo saddex xeer oo kale si dadka looga caawiyo xanuunka faafaya.

”Waxaa hadda noo muuqda in dhaqaaluhu soo kabanayo. Nasiibxumo, qof kasta weli kama soo kabsan. Weli shaqo ayaa na sugeysa,” ayuu yiri Emmer. Sida uu yiri Emmer, kaalmo dheeraad ah ayaa la joojiyey doorashada awgeed markay labada xisbi taageereen. “Waxaan ku rajo weynahay dhawaan, xisbiga ugu badan ee Aqalka Hoose in ay danaha dadka ka hor mariyaan siyaasadda doorashada.”

Asaga iyo kooxdiisa waxay 40,000 oo ah gafuurxir u keeneen isbitaallada oo kulan dadweyne ayey u qabteen degmada si ay u siiyaan macluumaadyo la xiriira daryeeka caafimaadka, meheradaha, iyo waxbarashada.

“Annagu ma joojineyno inaan uga shaqeyno hawlaha muhiimka u ah dadka, meheradaha, macallimiinta, iyo goobaha xannaannada carruurta,” ayuu yiri Emmer. 

Zahradka: Waxay taageersan tahay isticmaalidda gafuurxirka iyo karantiilidda marka uu qof ku dhawaado faayruska, oo arrintaas ayey dib ugu soo celisay Emmer. “Ka hor intaan dhaqaalaha lagu noqon, xildhibaannada waa inay joojiyaan jawaabta khaldan ee ay ka bixiyaan waxa ay dadku u dhimanayaan,” ayey tiri Zahradka. 

Lacag kaalmada ah

Emmer: “Waxaa jira waxyaabo badan oo labada xisibi isku raacsan yihiin oo aan wada ansaxin karno hadda si ay caawimaad ugu noqoto qoysaska iyo meheradaha xilligan lagu jiro xanuunka faafaya,” ayuu yiri Emmer.

Waxqabadyada waxaa ka mid ah in dhaqaale lagu kabo shirkadaha diyaaradaha si ay mushaarka ugu kabaan iyo deyn-cafiska barnaamijka kabista mushaarka shirkadaha ama PPP amaahda la siiyey ee ka yar $150,000, ayuu yiri. Waxa kale oo uu u maleynayaa in lagu khasban yahay taageero kale oo qorsheysan in la siiyo isbitaallada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka. 

Zahradka: Zahradka waxay sheegtay inay taageersan tahay in kaalmo degdeg ah la siiyo qof kasta oo u baahan, in la dheereeyo lacagta ceymiska shaqada iyo in dadka guryaha laga saarayo laga hakiyo bixinta lacagta rahmaadda iibka ama kirada guryaha. Waxa kale oo ay taageersan tahay bixinta lacag ah $600 oo kale oo kabis ah.

“Waxaan sharci ka dhigayaa xeer iska yaalla afar bilood oo shuruud uma yeelayo in dib loogu noqdo wadahadal waxqabad ah oo runta lagu sheego sababtoo ah arrintaas waa wax aan miiska keenayo,” ayey tiri Zahradka. 

Kharashaadka Dowladda

Emmer: Sida uu yiri Emmer, Kongareeska wuxuu foodda u saaran yahay $30 tirilyan oo ah kharash, si ay lacagta labaad ee kabista ah u noqoto mid dadweynaha si gaar ahaaneed loola beegsado. Oggolaanshaha xeerkii kabista dhaqaalaha ee karoonaha ka dib ama CARES Act go'aan adag ayuu ku ahaa Emmer, laakiin wuxuu rumeysan yahay inuu sax ahaa.

“Waxaan rumeysnahay dhaqaale xoog leh, oo waa waxa aan sameyneyno sannadka dambe marka xaalku caadi noqdo, marka aan faayruska tallaal u helno, marka ay dadku caafimaad qabaan, oo ay difaac ka haystaan dhibka weyn ee uu faayrusku keenayo,” ayuu yiri Emmer. 

Zahradka: Waxay soo jeedisay in qof kasta, oo ay ku jiraan siyaasiinta, loo bixiyo canshuurta sida ugu saxsan. Dabadeedna waxay dhalleecaysay saadaalinta Emmer ee sannadka dambe iyo xaaladda dalku noqonayo, oo waxay ku eedeysay “inuu been ka sii sheegayo” mustaqbalka.

Qaxootiga/Socdaalka

Emmer: “Waxba igama gelin meesha aad ka timid ama sida aad ku timid. Haddii aad halkan u joogto in aad qeyb ka noqoto fursadaha badan ee laga helo Mareykanka, waxaan kuu noqon karaa xildhibaan,” ayuu yiri Emmer. 

Zahradka: “Minnesota waxa aqbashay dad aad u fiican oo ay iyaguna dantoodu keentay. Hase yeeshee, dadkaasi Minnesota ayey anfacayaan,” ayey tiri Zahradka.

Waxay sheegtay dadka muslimiinta ah ee St. Cloud iyo in ay yihiin dad caadi ah oo noloshooda u raba hoy ay galaan, waxbarasho fiican, iyo caddaalad dhab ah.