Hagidda Codbixiyaha: Halka ay arrimaha socda ka taagan yihiin murashixiinta degmada saddexaad ama 3nd District

Two portraits of men side by side.
3rd District incumbent DFL Rep. Dean Phillips (left) and his Republican challenger Kendall Qualls.
Photos courtesy of campaigns.

Degmada 3-aad waa kursi uu hadda haysto Xildhibaan ah Dimuquraaddi ama DFL Rep. Dean Phillips waxaa tartan kula jirta murashax ah jamhuuri ama Republican Kendall Qualls. Halkan ka akhriso meelaha ay kala taagnaayeen murashixiinta mar ay isaga hor yimaadeen dood loogu qabtay idaacadda raadiyaha MPR News.

Furiddii hadalka

Phillips: Phillips wuxuu sheegay inuu yahay aabbe, xaas, ganasi-abuure iyo nin muddo dheer ahaa reer Minnesota, una adeegaya dadkii uu ku soo dhex koray. Phillips wuxuu noqday wiil uu ka dhintay Aabbe Halyeey ah, Artie Pfefer, oo ku dhintay dagaalkii Fiyetnaam 1969. Wuxuu rumeysan yahay inuu yahay nin labada xisbi la wada shaqeeya iyo in dadka in la matalo ay ka bilaabato in la dhageysiga.

Phillips wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu yahay xubinta keliya ee Koongareeska ka mid ah ee diiday lacagta dadka danaha gaarka ah leh, ururrada la midka ah ama PACs, dad u ololeeya sharci-dejin gaar ahaaneed oo ah heer federaal ama xildhibaannada kale ee Koongareeska. Wuxuu ka mid yahay 25 ah Jamhuuriyiin iyo 25 ah Dimuquraaddiyiin ku jira Aqalka Hoose ee Wakiillada Ururkooda Xal-keeneyaasha, oo ujeedku waa in la isku xiro xisbiyada iyadoo lagu jiro kala-qeybsanaan weyn. 

Qualls: Qualls, waa nin sheegay inuu madax ka yahay meherad weyn, oo hoggaan u ah kooxaha shirkadaha waaweyn ee raasumaalka ama Fortune 100 companies, oo wuxuu sheegay in uusan ahayn siyaasi. Wuxuu sheegay inuu dareemayo inuu ku khasban yahay in uu murashax noqdo, asagoo soo xiganaya siduu u rabo  “in uu dalka u hiilliyo” iyo inuu keeno “hoggaamin dhab ah” in ay xilkan ka muuqata. Qualls wuxuu ku soo koray saboolnimo, asagoo kuleeejka ay ka bixiyeen ciidanka oo dabadeedna lagu daray ciidankii dagaalka ee Fiyetnaam ilaa shan sano. 

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

“Sannado badan ka hor, waxaan wacad ku maray inaan ilaaliyo oo difaaco dastuurka, oo wacadkaas aan galay ma aha mid leh taariikh uu dhacayo,” ayuu yiri Qualls. Ninkan oo ah sarkaal ciidankii hore ku jirey hadda waxa uu xaaskiisa, Shiela, kula nool yahay Medina, Minn. Waxay xaaskiisa is qabaan 34 sano oo waxay haystaan shan carruur. 

COVID-19

Phillips: Phillips wuxuu taageersan yahay barnaamij ah baaris in lagu sameeyo dalka oo dhan. 

“Waxaan si adag uga soo shaqeeyey helidda xalka labada xisbi oo ku saleysan si cilmiyeysan, oo ujeeddo leh,” ayuu yiri Phillips. 

Intii uu jiray xanuunkan aafeeyey dunida oo dhan, wuxuu gacan ka geystay ansixinta xeerka CARES Act, xeerka difaaca mushaar-bixin ama Paycheck Protection Flexibility Act, xeerka Heroes Act  -- kaasoo ah sugidda codka aqalka sare ama Senate floor-- iyo markii utu dambeysay oo uu xubnaha aqalka kala shaqeeyey xallka ururrada kulanka siyaasaeded ama Problem Solvers Caucus si loo sameeyo Heshiisyo la Isugu yimaado Meel Dhexe, iyo lacagtii COVID ee ahayd kabista dhaqaalaha dadka. 

“Waxaan ku rajo weynahay inaan awood u hayno lacago lagu caawiyo gobollada, isbitaallada, iskuullada, dadka, shaqaalaha ah, qoysaska haysta meheradaha yaryar ee dhibku soo gaaray,” ayuu yiri Phillips. “Waa masuuliyad ay tahay inaan ka soo dhalaano.” 

Qualls: Qualls wuxuu qorsheystay inuu xoogga saaro in xawaaraha jawaabta ee ah sida dhakhsaha leh ee dowlaadu tallaal ugu heli karto dadka iyo tijaabintiisu noqdaan wax diyaarsan oo la heli karo. Wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida “in dadka oo dhan la gaarsiiyo si aan mar caadigii hore ugu noqon karno.” Rajadiisa tallaalka iyo baarista badan ee la heli karo waa badqabid iyo amaan si dadka Minnesota dib loogu furo iskuullada iyo dibu-dhiska dhaqaalaha. Si waxyaabahaas loo sameeyo, Qualls waxaa qorshaha ugu jirta in uu la shaqeeyo dhinacyada labada xisbi. 

“Hawshan ha looga fekaro sida shaqaalaha dabdamiska. Shaqaalaha dabdamiska oo ka soo kala jeeda siyaasado kala duwan oo ay aaminsan yihiin ayaa wada shaqeeya, laakiin markay hayaan shaqada daminta dabka, isma dhaliilaan, ee waa wada shaqeeyaan,” ayuu yiri Qualls. 

Xisbiga lagu jiro 

Phillips: Phillip wuxuu ku dooday shaqadiisa labada xisbi, balse wuxuu sheegtay inuu la codeynaayey xildhibaannada jamhuuriyiinta ama GOP. Pete Stauber waa xildhibaan Koongareeska ugu jira Degmada 8-aad ee Minnesota, in ka badan shan jeer ayuu la codeeyey Afhayeenka Aqalka Hoose. Maaddaama uu Phillips sheegtay in uu caadi ahaan ula codeeyo xisbigiisa, isagu wuxuu yiri, “Waxaan ahay xubinta 27-aad ee Koongareeska ee la shaqeeyey labada xisbi, Dimuquraaddiga 12-aad ee labada xisbi la shaqeeya, oo mid ka mid ah saddexdii xeer ee aan ayiday waxaa soo qoray Jamhuuriyiinta.” 

Wuxuu sheegay inuu ololaha wax looga beddelayo dhaqaalaha uu yahay hal tusaale oo ay ku kala duwan yihiin isaga iyo murashaxa madaxweynaha Joe Biden. 

“Saameynta musuqa danaha gaarka ah ee aan caadiga ahayn, lacag iyo siyaasad ayaa dad aad u fara badan oo Mareykan ah lagu xaqirayaa codkooda,” ayuu yiri Phillips. 

Qualls: “Waa jirtaa, Waxaan u codeeyey Madaxweyne Donald Trump, haddana mar kale ayaan u codeynayaa,” ayuu yiri Qualls. 

Murashaxan Jamhuuriga ah wuxuu jeclaan lahaa in Trump “uu ahaan lahaa qof yiraahda hadal ku habboon marka uu ka hadlayo mowduuca isirka,” markay noqoto arrimaha siyaasadda laakiin, Qualls wuxuu sheegay in aysan wax badan ku kala duwaneyn labadoodu. Hase yeeshee, marka ay noqoto sida Trump u diiddan yahay inuu dhalleeceeyo ururka xagjirka ah ee QAnon, Qualls wuxuu yiri, “Anigu waxaas shaqo kuma lihi. Arrintaas waa mid anigu xaqiiqa ahaan ka horjeedo oo aanan gebi ahaan taageersaneyn.” 

Xeerka Caafimaadka Affordable Care Act

Phillips: Phillips wuxuu tilmaamay in uusan Mareykanku lahayn hab caafimaad oo dalka oo dhan ka jira, oo wuxuu raaciyey in “xeerka caafimaadka ee Affordable Care Act, ama Obamacare, uu yahay waxa ugu fiican ee aan abid u helnay jiilka hadda nool oo waa in Mareykanka oo dhan la sii gaarsiiyo daryeelkan.” 

Maaddaama uu Phillips sheegay inuu doorbidayo in daryeelka caafimaadka uu noqdo mid ay si gaar loo leeyahay oo ay fuliyaan shirkado aan macaash ka heleyn,  fursadda ah in nooc dowladeed jiro ayaa lagu sii helayaa xorriyad iyo tartan badan. Ninkan Dimuquraaddiga ah oo kursigan horay u haystay wuxuu yiri arrintan ma saameyneyso dadka daryeelkooda caafimaadka ka hela goobahooda shaqada, balse waxay kala dooran karaan nooca dowladda ama nooca gaarka loo leeyahay marka la diyaariyo nooca dowladda. 

“Waxaan si adag u rumeysnahay in la joogo wakhtigii dalka Mareykanka iyo dadka Mareykanka ah ay qaadan lahaayeen go'aan caqligal ah oo lagu xaqiijiyo in qof kasta oo dalkan ku nool uu helo daryeel caafimaad oo la awoodi karo, daryeel tayeysan oo la awoodi karo, iyo inaysan dhicin in qof noqdo mid u qaameysan kharash badan oo ay ugu wacan tahay daryeelka caafimaadka,” ayuu Phillips sii raaciyey

Qualls: Qualls wuxuu sheegay in Xildhibaannada Aqalka Hoose ay hayaan qorshe haddii ay dhacdo in ay Maxkamadda Sare ka noqoto xeerka caafimaadka hadda. Wuxuu yiri qorshahaas wuxuu xoogga saarayaa saddex waxyaabood. Midda koowaad, waa in ay jirto daahfurnaan la xiriirta lacagta la iska rabo, taasoo u oggolaaneysa in ay dadku arkaan qiimaha lacagta ka hor intaan loo adeegin. 

“Qalliinka lagu hagaajiyo sinta ama jilibka ma noqon karo in goob kasta lacag isaga sheegato,” ayuu yiri Qualls. 

Midda labaad, wuxuu afka ku dhuftay in 10-kii ilaa 15-kii sano ee ugu dambeeyey ay meheradda daryeelka caafimaadka gacanta u gashay shirkado waaweyn, taas macnaheedu waa inay sii badatay lacagtii la bixinaayey. Qualls wuxuu soo jeediyey in la kordhiyo tartanka suuqa daryeelka caafimaadka si looga hortago dhibaatadaas. Ugu dambeyn, murashaxa Jamhuuriga ah wuxuu faahfaahiyey baahi in loo qabo in daryeelka caafimaadku noqdo mid la awoodi karo, laakiin wuxuu ka biya diiday nooca dowladda, wuxuuna yiri noocaas wuxuu wiiqayaa daryeelka caafimaadka dadka waaweyn ee Medicare oo waxa uu dhibaato ku keenayaa shirkadaha daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.