Hagidda Codbixiyaha: Halka ay arrimaha socda ka taagan yihiin murashixiinta degmada siddeedaad ama 8th District

Side by side portraits of a man and woman.
8th District Rep. Pete Stauber, the incumbent Republican, and his challenger, DFLer Quinn Nystrom.
Tony Saunders | MPR News and Courtesy of campaign website

Halkan waxaa ku qoran mowqifyada xildhibaanka hadda haysta kursiga oo ah jamhuuri ama Republican Rep. Pete Stauber iyo gabar la tartameysa oo ka soo jeedda Dimuquraadiga ama DFL ah, Quinn Nystrom ayaa isaga hor yimid dood lagu martigeliyey idaacadda raadiyaha MPR News.

Furiddii hadalka

Stauber: “Xaalka nolosheyda ayaa igu khasbay adeegga dadweynaha,” ayuu yiri Stauber.

Stauber 23 sano ayuu ka mid ahaa ciidanka booliiska, oo 22 sano oo ka mid ah wuxuu ka shaqeynaayey Duluth. Wuxuu dhalay afar carruur, mid ka mid ah ayaa qaba baahiyo gaar ah. Waxa kale oo ay meherad yar wada leeyihiin walaalkiis. Waxa uu ku dhashay kuna soo koray Degmada 8-aad, oo wuxuu jecel yahay ugaarsiga, kalluumeysiga, kaxeysiga baaskiilka, baashaal awgiis teendho duurka lagu soo sameysto iyo kaxeysiga doon yar oo hal qof qori ku wato.

“Anigu uma dagaalmayo oo keliya habka nolosha dadku rabo, balse waa axdi aan qaadayo,” ayuu yiri Stauber.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Nystrom: Nystrom waa jiilkii afraad qof qoyskeeda ah oo ku dhalatay kuna soo barbaartay Crow Wing County.  Nystrom waxay horay uga heshay inay taageerto arrimaha caafimaadka ka dib markii uu iyada iyo walaalkeed oo ka yar uu ku dhacay Sokorowga Nooca Koowaad ee la is duro in ka badan 20 sano ka hor.

“Waxaa dalkan nagu haysata dhibaato weyn oo ah sida lagu heli karo daryeel caafimaad oo la awoodi karo. Dhibkaasna waa uu ka horreeyey COVID. Marka uu nagu dillaacay COVID ka dib, caafimaadkii waa nagu sii xumaaday,” ayey tiri Nystrom. 

Waxay sheegtay sababta ay u tahay murashax xildhibaan ah, mar hore ayey soo noqotay qof u hadla in la yareeyo kharashka daawada iyo difaacid ah in aan la diidin dadka qaba xanuunno hore. Hadda waxay rabtaa inay dhibkaas sharci dejin ahaan xal ugu hesho marka koowaad. 

COVID-19

Stauber: Waxa uu yiri marka laga hadlayo dhibka COVID-19, waa in aad looga taxaddaro si loo difaaco dadka waaweyn ee caafimaadkoodu xun yahay maaddaama uu dhibkaasi yahay mid waayeelka aafeeya. Stauber waxa uu dadka si adag ugu sheegayaa in ay raacaan talooyinka kala-fogaanshaha, in ay dhaqaan gacmahooda iyo inay isticmaalaan gafuurxir. Sida laga soo xigtay Stauber, dhaqaalaha Minnesota dib ayaa loo furi karaa iyadoo la difaacayo dadka nugul. 

“Waxaan abuurnay 11.4 malyan oo shaqo labadii bilood ee ugu dambeeyey iyadoo xayiraaddii loo qaaday si masuuliyad leh oo lagu badbaado. Dhibku sidaan ognahay nagama dhammaan, weli hawl badan baa noo taalla,” ayuu yiri Stauber.

Nystrom: waxay sheegtay inaysan waayeelka oo keliya ahayn dadka laga helayo COVID-19. 

“Waxqabadku waa in uu khuseyso dadka oo dhan. Waa inaan waxqabad aad u hufan ka helno downladda federaalka,” ayey tiri Nystrom. 

Nystrom waxay ku adkeysatay in dalku u baahan yahay agabka difaaca ama PPE aad u badan, gaar ahaan Degmada 8-aad oo agabkaas tashiilaneysa. Waxa kale oo ay carrabka ku dhufatay in habka caafimaadka uu u baahan yahay qalab baaris oo degdeg ah, dheecaanka difaaca oo la ogaado iyo tallaal in la heli karo, lagu badbaadi karo oo qiimihiisuna jaban yahay. Ilaa iyo hadda waxay taageersan tahay in dadku ay kulan ku yeelan karaan bannaanka oo keliya oo ay isticmaalaan gafuurxir. 

“Nolosha ruux kasta qiimo ayey ku leedahay degmadan. Waa in la fahmo halista dhibka jira,” ayey tiri Nystrom. 

Lacagaha kaalmada ah

Stauber: Bilihii la soo dhaafay, Stauber waxa uu ka shaqeynaayey kaalmada Koongareeska ee COVID-19. Mid ka mid ah waxyaabaha uu qeybta ka ahaa waa kaalmadii lacagta ahayd ee hore ama CARES Act. Sida uu yiri Stauber, weli waxaa jira dhowr bilyan oo doollar oo aan weli la isticmaalin. Stauber wuxuu taageersan yahay isticmaalidda lacagaha harsan si loo caawiyo meheradaha yaryar.

Nystrom: Nystrom waxay caddeysay inay rabto lacagta kaalmada ah ee kale inay labada xisbi isku raacaan. Lacagta soo socota waxay taageersan tahay in lagu daro lacago dheeraad ah oo ah PPE, baarista COVID-19 iyo cilmi-baarista tallaalka. Waxa kale oo ay taageersan tahay maalgelin dheeraad ah in la siiyo beeraleyda iyo macallimiinta Minnesota oo hadda dhib ku jira sida ay sheegtay Nystrom.

Daryeelka caafimaadka

Stauber: Wuxuu taageersan yahay fikrad ah in dadka Mareykanka ay iyagu xaq u leeyihiin inay doortaan nooca daryeelka caafimaadka ay rabaan tayo iyo qiima ahaan. Waxa kale oo uu taageersan yahay difaacidda xanuunnadii hore ee ay dadku horay u qabeen. Mar hore ayuu wuxuu wax ka soo qoray sharci-dejin lagu difaacayo dadka qaba xanuunno hore si loogu oggolaado in ay helaan ceymis oo aan la diidi karin. 

“Wiilkeyga ayaa qaba laba xanuun oo mar hore ku dhacay, oo waxaan ogahay waxa ay dadku dareemaan, oo waxaan weligay difaacayaa xaaladaha xanuunnadii hore,” ayuu yiri Stauber. Waxa kale oo uu ka horjeedaa kharashka caafimaadka ee badan oo wuxuu ku eedeynayaa ceymiska Obamacare. 

Nystrom: Waxay ka biya diidday baabi'inta ceymiska caafimaadka ee Affordable Care Act, sababtoo ah dhibaato culus ayaa ku dhacaysa dadka qaba xanuun hore sida iyada oo kale. 

“Waa inaan helno hab aan ku bixin karno kharashka dadka oo dhan oo ay iyaguna dalka gudihiisa ku helaan ceymis caafimaad oo ah qiima jaban iyo daryeel caafimaad oo diyaar u ah,” ayey tiri Nystrom. 

Waxay tiri, haddii aan hadda dadka Mareykanka laga bixin kharashka, bulshada ayaa kharash ka badan ku bixin doonta gargaarka degdegga ah ee isbitaallada. “Waxaan rumeysnahay in cod xoog badan oo noo jooga caasimada D.C. uu wakiil ka noqon karo dadka degmada, si loo xaqiijiyo in aan qofna uga baqin in uu tago ballamaha kilinigga,” ayey tiri Nystrom.

Horumarinta dhaqaalaha iyo difaacidda bay'adda

Stauber: Stauber waxa uu taageersan yahay xaqiiqooyin cilmiyeysan oo gaar ah in lagu fuliyo mashruucyada dhaqaalaha. Waxa uu taageersan yahay qoraallada qiimeynta ah ee bay'adda iyo habraacooda oo ah daahfurnaan. Wuxuu rumeysan yahay kooxaha ururka shaqaalaha iyo bay'adda inay wada shaqeyn karaan si ay u helaan xal faa'iido leh. Wuxuu soo hadal qaaday macdan qodista gobolka, iyo in aan laga helin oo keliya dhaqaale gaaraya $500 malyan, laakiin laga helo shaqooyinka dabaqadda dhexe iyo urur shaqaale oo ah dabaqadda dhexe. Wuxuu taageersan yahay in la beddelo tuubbada shidaalka ee dhulka la geliyo ama Line 3 oo abuuri doonta 5,000 oo shaqo sida uu sheegay.

 “Qodista macdanta waa shaqo aan waa hore muddo ku soo jirnay, waa shaqo aan hadda ku jirno oo aan mustaqbalka ku soo jiri doonno,” ayuu yiri Stauber.

Nystrom: Nystrom waxay sidoo kale taageersan tahay in  la beddelo tuubbada shidaalka ee Line 3. Hase yeeshee, waxaa shaki uga jiraa inay taageerto qodista macdanta birta kobbar nikal sababtoo ah waa markii ugu horreysay oo ay Minnesota soo saarto. Waxay sheegtay in aysan waxba go'aan ka gaari karin ilaa ay ogaato xaqiiqada, oo mugdi badan baa uga jira warbixinta geedaha keynta ee ay xukuumadda Trump ka soo diyaariyeen macdanta kobbar nikal. 

“Waxan rabaa inaan arko xaqiiqada oo dhan ka hor intaan la iga codsan inaan ansixiyo mashruucaas. Haddii kale, aniga kuma aamin qabo,” ayey tiri Nystrom.

Arrimaha dadkii dhulka loogu yimid

Stauber: Stauber wuxuu sheegay inuu la shaqeeyey dadka qabiillada ah ee loogu yimid Minnesota. 

“Waxay fahamsan yihiin in ay yihiin ummad xor ah, oo aniguna waan la qabaa,” ayuu yiri. 

Koongareeska wuxuu ku taageeray xeerarka Savannah’s Act iyo Not Invisible Act oo u dan ah dadka asalkii loogu yimid dalkan. Waxaa wax aad muhiim u ah in la ogsoonaado Dadkii Dhaladka asalkii hore ee dalkan gabdhahooda iyo haweenkoodu in ay toban jeer dadka kale uga badan yihiin in khasab ama khiyaamo lagu kaxeysto oo jirkooda laga ganacsado, oo wuxuu Koongareeska kala shaqeynayaa in la joojiyo. 

“Marka dadka Dhaladka ah waxay ogyihiin inaan garab u ahay. Anigaa kala shaqeeya, oo waxaan la leeyahay xiriir fiican. Kalfadhiga Koongareeska ee 117-aad, waxaan sii wadayaa inaan kala shaqeeyo in la hagaajiyo xiriirkaas,” ayuu yiri Stauber.

Nystrom: Waxay ka sheekeysay safar ay mar dhow ku gaartay dhulka seeraha ah ee Leech Lake Reservation oo ay kala soo hadashay madaxda iyo golahooda baahidooda ugu daran. Waxa kale oo ay la kulantay waayeelka deggan Fond du Lac si ay u dhageysato waxay ka qabaan mashruuca tuubbada shidaalka dhulka la gelinayo ee Line 3. 

“Anigu waxa muhiimka ii ah waa in wax la dhageysto. Waxaan siineynaa fursad, oo markaan xildhibaan u noqdo deegankaan, codkooda ayaan kor u qaadayaa,” ayey tiri Nystrom. 

Waxa kale oo ka go'an in la shaqaaleeyo qof ka soo jeeda dadka Dhaladka ah oo xiriir daahfuran ka dhex sameeya xukuumadda Washington iyo dhulka seeraha ah. 

Gebagebadii hadalka 

Stauber: “Laba sano ka hor, waxaan axdi ku maray in aan dadka oo dhan u noqonayo cod madaxbannaan oo u jooga Washington, ballantaas waan ka soo baxay,” ayuu yiri Stauber.

Waxa uu sheegay in uu sii wadi doono inuu u dagaallamo dadka uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha Degmada 8-aad, shaqooyinka kale ee mushaarka fiican iyo in la yareeyo qiimaha. Maaddaama uu la soo shaqeeyey ciidanka wuxuu sheegay inuu garab u noqonayo booliiska ku hawlan badqabka dadweynaha.

“Waxaan rabaa inaan dadka u sheego inaan mudnaanta koowaad iyaga ka dhiganaayo,” ayuu yiri Stauber.

Nystrom: Waxay gebagebadii sheegtay in ay mar kale ku celineyso in ay taageersan tahay waxqabad xooggan oo federaalku ka sameeyo COVID-19 iyadoo ballan qaadday in haddii la doorto ay xanuunkan faafaya si dhab ah uga shaqeyneyso. Waxa kale oo ay sheegtay in ninka ay la tartameyso uga duwan tahay inay la shaqeyn doonto labada xisbi. 

“Waxa aan rabno waa qof labada dhinac xiriir la leh oo la wada shaqeyn kara. Marka loo doorto Koongareeska. Waxaa iga go'an inaan u dagaallamo in la yareeyo qiimaha daawooyinka, in la difaaco dadka qaba xanuunno hore iyo sida looga bixi karo COVID,” ayey tiri Nystrom.