Waxa aad sameyn karto haddii ay ICE ku joojiyaan: Qareen ka jawaabeysa xoogaa su'aalo ah

Go Deeper.
Create an account or log in to save stories.
Like this?
Thanks for liking this story! We have added it to a list of your favorite stories.
Ka dib markii soogalootiga Minnesota oo dhan lagu bilaabay in si toos ah loo beegsado, dad badan ayey ku dhalatay su'aal fudud oo degdeg ah: Maxay tahay xuquuqdeydu haddii ay ICE ii yimaadaan?
Wariyaha khabiirka ah ee u shaqeysa MPR News ee Sarah Thamer ayaa Gloria Contreras Edin, oo ah qareenka socdaalka iyo soogalootiga kala hadashay waxa la sameyn karo, haddii ay ICE ama ciidan kale oo federaal ah ku joojiyaan adigoo wata gaarigaaga, ama adigoo lugeynaya, ama haddii ay gurigaaga kuugu yimaadaan.
Haddii ay ICE ku joojiyaan adigoo gaari wata, maxaad sameyn kartaa? Ma joojineysaa gaariga mise waad iska sii kaxaysan kartaa?
In kasta oo ay tahay wax laga baqo oo aad looga naxo in ay ciidanka ICE ku joojiyaan, talada koowaad waa in aad is dejiso oo aad gaariga joojiso, waa in aadan diidin oo aadan gaariga dhaqaajin, oo waa in aad raacdo amarkooda.
Haddii ay ICE ku weydiiyaan, ‘Muwaadin Mareykan ah miyaad tahay?’ khasab miyey kugu tahay in aad ka jawaabto?
Khasab kuguma aha in aad ka jawaabto haddii aadan adigu rabin. Haddaba marka lagu joojiyo, khasab kuguma aha in aad ka jawaabto wax su'aalo ah haba yaraatee, gaar ahaan [su'aalaha] ciidanka ICE. Hase yeeshee, booliiska caadiga ah [ee magaalada], waa ay ka duwan yihiin, laakiin ciidanka ICE, khasab kuguma aha in aad kala hadasho wax la xiriira muwaadinimo. Ma aha wax iyaga khuseeya.
Turn Up Your Support
MPR News helps you turn down the noise and build shared understanding. Turn up your support for this public resource and keep trusted journalism accessible to all.
Haddii aad rabto in aad ka aamusto, sidee baad uga jawaabi kartaa? Miyey jiraan wax aad u sheegi karto haba yaraatee?
Waa hagaag, run ahaantii jawaabtu waxa ay ku xiran tahay waa qof kasta iyo sidii uu rabo in uu ula macaamilo ICE. Sida fudud, muwaadiniinta Mareykanka ah waxay sheegi karaan in ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, haddii ay rabaan, laakiin markaas waa in ay u jawaabaan oo aysan waxba ka diidin. Waxa kale oo muhiim ah waa in aad maskaxda ku hayso in ay ICE naftooda u baqayaan, sidaas awgeed waa in ay arki karaan gacmahaaga oo dul saaran isteerinka gaariga. Waxa aan arrintaas dadka ugu sheegayo waa in ay jirto khatar aad u weyn oo ah in ay ciidanku dhaqaaq kasta u qaadan karaan in aad hub la soo baxayso.
Waxaad kala dooran kartaa in aad u sheegto in aad tahay muwaadin Mareykan ah iyo qofka aad tahay, ama waxaad weydiin kartaa in ay ku xirayaan, oo haddii ay yiraahdaan, maya, laguma xirayo, markaas ayaad weydiin kartaa, miyaad ii fasaxdeen in aan idinka tago? Haddii ay ciidanku kuugu jawaabaan haa, waad iska bixi kartaa, laakiin si aayar ah u kaxayso gaariga, oo waa in ay ciidanku kuu arkaan in aad dhankooda gaariga ka fogeyneyso.
Waxa kale oo aad sameyn karto waa in aad ka aamusto. Waxaad ugu jawaabi kartaa, waxaan xaq u leeyahay in aan aamuso waxaan rabaa in aan qareen la hadlo. Qofkii raba ayaa iska aamusi kara. Waxa ugu muhiimsan, qofkii raba in uu iska aamuso, waa in uu ka aamuso. Waa xuquuq dastuuri ah. Sida kale waa in aan marna laga been sheegin aqoonsiga iyo nooca sharciga qofku haysto. Muwaadiniinta Mareykanka ah waxay sheegi karaan oo keliya magacooda oo ay soo gaabiyeen.
Haddii aad magacaaga u sheegeyso, waa in aad u sheegto magacaaga oo buuxa, laakiin khasab kuguma aha in aad ciidanka ICE tusto caddeyn ah sharciga aad haysato ama aqoonsiga muwaadinimada. Sharci ahaan khasab kuguma aha.
Muwaadiniinta Mareykanka ah miyaa hadda la joojinayaa oo ciidanka ICE miyaa su'aalo badan weydiinaya?
Taasi waa xaqiiqada jirta. Dadka ayaa marar badan taleefan noogu soo sheegay in la dhibaateeyey, iyagoo ah muwaadiniin Mareykan ah, oo waxaa loogu hanjabay in loo xoog sheeganayo, oo hub madaxa looga qabtay. Waxaan haynaa warbixin badan oo ah dad la iska kaxaystay. Muwaadiniinta Mareykanka ah waxa loo kaxaystay waa si loo soo xaqiijiyo in ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, sababtoo ah marka hore ayaan hadalkooda laga rumeysan.
Dabadeedna, dabcan, waxaan haynaa dhacdooyin badan oo ay dad kale la kulmeen, tusaale ahaan, dadka haysta sharciga DACA, oo ah Deferred Action for Childhood Arrivals (Sharciga La Siiyo Carruurtii La Keenay Iyagoo Yaryar oo Loogu Cusbooneynsiiyo Laba Sano), TPS, fiisaha U oo ah fiise sharci caadi ah lagu siin karo dadka keenistoodii lagula soo kacay dhibaato la hubo oo ah jirkooda oo lagu ganacsado ama xadgudubka qoyska, iyo dadka codsaday magangelyada, dadkaas oo dhan ayaa la qabanayaa oo waa la iska haynayaa. Dadkaas qaarkood waa la xirayaa, laakiin qaarkood su'aalo ayaa la weydiinayaa, oo sharciga ay haystaan ayey ciidanku sawir ka qaadan doonaan.
Ka warran ICE ama Ciidanka Kastamka iyo Xuduudaha Mareykanka haddii ay si xoog ah ku soo galaan guri iyaga oo aan haysan waraaq maxkamadeed oo uu garsoore u soo saxiixay?
Hadda ka hor ayey ficilkaas oo kale sameeyeen, laakiin waxaa lagu furay dacwooyin badan. Aniga ayaa xareeyey dacwado ka dhan ah xaaladahaas oo kale. Waxaa ku adkaan doonta in ay qiil u helaan xadgudubka dastuuriga ah ee Qodobka Afaraad oo ay si cad u jebinayaan marka ay isticmaalayaan awood ka sarreysa waxa loo oggol yahay, haddii aysan haysan waraaq maxkamadeed oo uu u soo saxiixay garsoore federaal ah.
Haddii ICE ay soo garaacaan albaabka gurigaaga oo ay sheegtaan in ay haystaan waraaq maxkamadeed, maxaad sameyn kartaa markaas?
Waa hagaag, waa in aad dib uga noqoto oo aad is dejiso. Marka xigta, waa in aadan furin albaabka xaalad kasta oo jirta. Haddii uu gurigu leeyahay laba albaab, ha furin albaabka gudaha sababta oo ah waxaa u fududaan karta in ay gudaha iska soo galaan.
Weydii ciidanka kuu yimid in ay haystaan waraaq maxkamadeed oo uu garsoore soo saxiixay. Haddii ay kugu yiraahdaan, haa, waraaq ayaan ku tuseynaa, waxaad ku tiraahdaa, fadlan waraaqda iiga soo dusiya albaabka hoostiisa si aan uga wada hadalno ka dib markaan arko. Markaas haddii ay ku tusi karaan in ay waraaqdu tahay mid maxkamadeed oo sharci ah, sharciga ayaa oggol in ay soo furtaan albaabka.
Hase yeeshee waxaad ugu jawaabi kartaa, ma idiin oggoli inaad soo gashaan ama baaritaan ku sameysaan gurigeyga, oo adigoo taagan albaabka ayaad cod dheer ugu sheegi kartaa.

Haddii ay ICE guriga kuugu soo galaan si sharci darro ah, maxaa sameyn kartaa markaas?
Fiidiyow ka duubo wax kasta oo dhaca, taariikhaha, wakhtiyada, kaararka aqoonsiga, haddii aad arki karto lambarka kaararka aqoonsiga ay wataan, lambarka gaarigooda, waxa ay ku weydiiyaan. Waxaa jira wax sharciga ku jira oo la yiraahdo hadallo ah cabsigelin. Intaasi waa jawaabta ugu horreysa. Waxyaabaha aad qoran karto oo aad isla markiiba dhihi karto. Isla markiiba diyaarso caddeymahaaga, fiidiyow, faahfaahin ah wixii dhacay, la xiriir asxaabta, qoyska, qareenka soogalootiga, oo si degdeg ah wixii dhacay oo dhan ugu sii sheeg dadka aad garaneyso.
Waxa ugu muhiimsan waa in aan sameyno wixii aan isaga caabin karno xadgudubka, sida xeeladaha u muuqda cabsigelinta, waa inaad ka haysato caddeymo dacwo lagu xareyn karo.
Sharci ahaan fiidiyow ma laga duuban karaa ciidanka ICE?
Haa, waa laga duuban karaa.
Haddii ay ICE qof qabtaan, halkee baa taleefan loo diri karaa oo qoysku maxay u sameyn karaan?
Marka ay qof qabsadaan, waa in uu qofkaasi taleefan u dirsado qoyskiisa ama asxaabtiisa.
Waxaan dadka ku dhiirrigelinayaa in ay booliska deegaankooda u sheegaan marka ay in ka badan 24 saac waayaan dad qoyskooda ka tirsan oo waa in ay u faahfaahiyaan dadka ka maqan, aabbe ama hooyo ama qof kale oo qoyska ka tirsan.
Hay'adaha dowliga ah badanaa waxa ay la xiriirayaan waa Waaxda Amniga Gudaha, oo wax kasta ayey weydiin doonaan.
Sidee baa la isugu diyaarin karaa ciidanka ICE intaan lala kulmin?
Run ahaantii waa wax u baahan in laga sii hadlo. Waxa u baahan waa dadka oo dhan kuwa muwaadiniinta ah iyo kuwa aan ahayn. Dadku waa inay sameystaan qorshe u gaar ah oo ay iyagoo dhan wada qorteen oo fahmeen.
Haddii uu qof lacag dhigto bangi, waxaa ku adkaan karta in uu qof kale wakaalad u noqdo lacagtaas haddii aan qofka kale loogu sameyn awood wakaaladeed.
Waalidku waa in ay qorshe u sameystaan carruurtooda oo waa in ay wax kasta ugu sheegaan si fudud oo ay ku fahmi karaan xaaladaha qoyska haysta.
Dadka ogsoon in la qaban karo waa in ay wixii jira kala sii hadlaan qareen, waa in ay yeeshaan qareen, oo waa in ay isu diyaariyaan wax kasta oo ku dhici kara.
Khasab miyey dadka ku tahay in ay wataan aqoonsiga sharcigooda?
Anigu ma qaadan lahayn baasaboorkeyga, ama waraaqdeyda caddeynta dhalashada. Hase ahaatee, sharci ahaan, waxaa khasab ah in mar kasta la haysto oggolaanshaha sharciga ah ee DACA, iyo sharciga ah TPS. Waxa kale oo khasab ah in la haysto Kaarka Aqoonsiga Deggenaanshaha joogtada ah.
Muwaadiniinta Mareykanka ah khasab kuma aha in ay wataan baasaboor. Laakiin waa in ay qaataan koobbiga baasaboorkooda, oo taleefanka ayey ku haysan karaan.
