Hagaha Codbixiyaha: Halka ay arrimaha jira ka taagan yihiin murashixiinta xaafadda degmada toddobaad ama 7th District

Two side by side portraits one of a woman and one of a man.
DFL U.S. Rep. Collin Peterson (left) and Republican challenger Michelle Fischbach.
Courtesy of campaign

Barasaab ku-xigeen Hore Michelle Fischbach waa xisbiga jamhuuriga ama Republican loolan kula jirta wakiilka ah dimuquraaddi ama DFL U.S. Rep. Collin Peterson bisha Nofeembar. Degmada toddobaad ama 7th District waa midda ugu weyn oo badanaa dhacda dhulka miyiga ah ee galbeedka iyo waqooyiga-galbeed ee Minnesota.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan dadka ku nool Minnesota.

Madaxweyne Trump

Collin Peterson: Xildhibaankan oo ah Dimuquraadi waa mid ka mid ah laba Dimuquraaddi oo aan u codeyn dacwadii xilka looga xayuubin lahaa Madaxweyne Trump bishii Diseembar, waana qofka keliya ee Dimuquraaddiga ah ee ka soo haray xisbiga codkaas markuu dhacay ka dib. Codka ka hor, Peterson wuxuu yiri madaxweynuhu “ma gelin dambi” xilka looga qaado. Dhinaca ganacsiga iyo jawaabtii Mareykanka ee xanuunka faafaya, Peterson wuu ku dhaliilay siyaasadda ganacsiga ee Trump dagaalka uu kula jiro dalka Shiinaha iyo dowladda federaalka oo aan sameyn ficil ku habboon oo ay uga digto dadweynaha si loo taxaddaro.

Michelle Fischbach: Waa Sanatar hore oo ah heer gobol iyo barasaab xigeen oo waxay sheegtay taageero ay u hayso Madaxweyne Trump. Fischbach waxay ugu yeertay xilka xayuubinta Aqalka hoose ee sannadkii hore “khiyaamo xisbi iyo wax siyaasadeysan.” Waxay ammaantay jawaabtii madaxweynaha ee COVID-19 oo Trump kuma eedeyneyso siyaasaddiisa ganacsiga, balse waxay qireysaa in canshuuraha dalalka kale ee lagu badiyey alaabada loo dhoofiyo inay caqabad ku noqdeen deegaan kasta oo si weyn ugu tiirsan tacabka beeraha.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Booliiska oo wax laga beddelo

PetersonWuxuu ka horjeedaa booliiska in laga gooyo miisaaniyadda dhaqaalaha. Peterson wuxuu taageersan yahay George Floyd in caddaalad loogu helo Sharci Booliiska laga soo saaro oo bishii Juun ayuu yiri waa in la mamnuuco ceejinta booliisku sameeyo iyo waraaq la'aan ineysan guryaha dadka garaaci karin. Waxa kale oo uu taageerayaa barnaamij badqabid ah oo ku saleysan dadweynaha. 

Fischbach: Fischbach waxay ka horjeeddaa miisaaniyad laga joojinayo, in la kala diro ama la baabbi'iyo waaxyaha booliiska, oo waxy tiri “booliis la'aan waa fikrad khatar badan.” Waxaa taageertay ururka booliiska ee Minnesota Fraternal Order of Police. 

Xanuunka faafaya ee COVID-19

Peterson: Peterson wuxuu ka horjeedaa xayiraadda COVID-19 ee uu gobolka ku soo rogay Walz. Wuxuu yiri xayiraadaha waa in loo sameeyo hadba sida uu xanuunku uga dillaaco gobolka meelo ka mid ah. Peterson, oo guddoomiye ka ah Guddiga Beeraha ee Aqalka Hoose, wuxuu taageerayaa ballaarinta baarista COVID-19 iyo in lala socdo xiriirrada dadka xanuunku ku dhaco si ay u ogaadaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, gurmadka degdegga ah, iyo kuwa beeraha iyo cuntada.

Fischbach: Fischbach ma taageersana Guddoomiye Tim Walz xaaladaha degdegga ah iyo wareegtada uu yiri wuxuu ku yareynayaa faafidda faayruska koroona. Waxay tiri waa in la joojiyo waxa ay ugu yeertay “xukunka ah halka-qof” ee wareegtada amarka ah.

Xakameynta Hubka

Peterson: Peterson waa Xildhibaanka Dimuquraaddiga ah oo keliya ee ay NRA ama ururka taageersan hubka ay aad ula dhaceen oo ay taageeraan. Asagu ma taageersana baarista taariikhda shakhsiga ah ee dadka hubka iibsanaya lagu sameynayo, oo wuxuu aad u dhaliilaa  sharciyada cusub ee hubka.  

Fischbach: Fischbach waxay ka horjeeddaa xayiraadaha cusub ee hubka, oo waa waa qof aad u taageersan qodobka labaad ee dastuurka ama Second Amendment. Ururka taageersan hubka ee NRA aad bay ula dhaceen.

Daryeelka caafimaadka

Peterson: Peterson wuxuu ka codeeyey kaarka caafimaadka ee Affordable Care Act sannadkii 2010 balse wuxuu ka horjeedaa in sharcigaas laga noqdo. Wuxuu doorbidayaa in wax laga beddelo. Sannakii 2018, Peterson wuxuu u codeeyey sharciyo lagu sii ballaariyo in xaq loo yeesho koonto ah in la keysado lacagta caafimaadka iyo in la oggolaado koontada in loo isticmaalo daawooyinka laga soo iibsado farmashiyaha waraaq la'aan

Fischbach: Fischbach waxay sheegtay inay rabto dadka Mareykanka ah inay helaan daryeel caafimaad oo heer sare ah oo qiimihiisu jaban yahay, oo qorsheyaasha daryeelka waa inay noqdaan kuwa is beddelkoodu bukaanka ku saleysan yahay. Dedaalkeedu wuxuu xoogga saarayaa in la kordhiyo tartanka iyo yareynta kharashka iyadoo aan dhib la gaarsiineyn dadka qaba xaalado caafimaad-xumo hore. Ma oggola sharciga caafimaadka ee Affordable Care Act.

Waxbarashada

Peterson: Peterson wuxuu sheegay in loo baahan yahay intarnet xooggan oo ah qiime jaban oo waxa uu lagama maarmaan u yahay waxbarashada iyo meheradaha. Waxa kale oo uu afka ku hayaa dedaallo lagu maalgeliyo lacagta deeqda kuleejka ee Pell Grants iyo maalgelinta oo loo badiyo dugsiyada sare. 

Fischbach: Fischbach waxay guddoomiye ka ahayd Guddiga Tacliinta Sare ee aqalka aare xilligii 2017 ee sharci-dejinta heer gobol. Waxbarashada, gaar ahaan tacliinta sare, waa wax ay mudnaan gaar ahaaneed siiso, oo dedaalkeedu waa in la xoojiyo barnaamijyada kuleejka ee labada sano ee ah shaqaalaha dhulka miyiga Minnesota. 

Arrimaha socdaalka

Peterson: Peterson wuxuu sheegay Maajo 2019 inuu taageersanaa amniga xuduudda laakiin ma oggola darbi in laga dhiso xuduudda koonfureed. Sannadlii 2017, wuxuu u codeeyey sharci lagu ciqaabayo gobollada iyo dowladaha hoose ee magangelyada siiya muhaajiriinta aan sharciga ahayn. Bishii Meey, Peterson wuxuu ka fallaagoobay Dimuquraaddiga oo wuxuu taageeray sharci looga hortagaayey muhaajiriinta aan sharciyeysneyn inay helaan lacagtii kabista dhaqaalaha oo ahayd $1,200 oo federaalku u bixiyey xanuunka COVID-19 awgiis.

Fischbach: Fischbach waxay taageertaa Trump darbiga uu rabo inuu ka dhiso xuduudda Mareykanka iyo Meksiko. Waxay ka horjeeddaa joojinta ciidanka arrimaha socdaalka iyo xuduudaha ee ICE iyo xuduudaha furan. Waxay ka horjeeddaa arrinta ah in ay magaallooyin magangelyo siiyaan muhaajiriin sharci-darro ah.  

Soo-rididda ilmaha

Peterson: Peterson weligiis waa ka horjeeday soo-rididda ilmaha oo dhowr jeer ayuu cod ahaan u diiday intii uu xildhibaanka ahaa. Sannadkii 2017, wuxuu u codeeyey sharci lagu mamnuucayo soo-rididda ilmaha uurka ku jiray 20-usbuuc iyo mid kale oo lagu mamnuucayo in lacagta canshuurta dalka loo isticmaalo soo-rididda ilmaha. 

Fischbach: Fischbach waxay taageersan tahay xuquuqda nolosha ilaa heer kasta, oo waa ay ka horjeeddaa soo-rididda ilmaha. Waxa kale oo ay diidday canshuurta inaan loo isticmaalin soo-rididda ilmaha ee muhaajiriinta sharci darrada ah. Seygeeda oo ah Scott Fischbach, waxa uu agaasime guud ka yahay urur aan macaash ku shaqeyn oo ka horjeeda soo-rididda ilmaha oo la yiraahdo Minnesota Citizens Concerned for Life. 

Shaqooyinka iyo dhaqaalaha

Peterson: Peterson, oo meherad yar ku haystay Detroit Lakes ka hor intuusan Koongareeska ku biirin, wuxuu taageere u yahay kaalmada meheradaha yaryar iyo difaacidda arrimaha dalxiiska deegaankiisa. 

Fischbach: Fischbach waxay rabtaa dibu-dhisidda jidadka miyiga Minnesota iyo hubinta heshiisyada ganacsiga ee beeraleyda deegaankeeda. Waxa kale oo ay taageersan tahay maalgelinta barnaamijyada horumarinta shaqaalaha.

Is-beddelka cimilada

Peterson: Is-beddelka cimilada wuxuu u muuqdaa wax aan culeys ku hayn Peterson. Sannadkii 2018, wuxuu yiri sharci-dejiyeyaasha waxaa “u yaalla hawlo badan oo ay tahay in laga shaqeeyo” ka hor is-beddelka cimilada oo Mareykanka’ hawlihiisa beeraha waxa ay ka bilaabeen inay wax ka qabtaan yareynta wasakheynta hawada. 

Fischbach: Fischbach ma jirto go'aan cad oo ay ka qaadatay is-beddelka cimilada.

Canshuuraha iyo kharashaadka dowladda

Peterson: Peterson wuxuu ka horjeedaa kordhinta canshuurta, iyo wuxuu soo jeediyey in la yareeyo kharashka ciidanka xoogga iyo in wax laga beddelo caafimaadka dowladda ee Medicare si loo hagaajiyo habka miisaaniyadda dalka. Peterson wuxuu u codeeyaa dhinaca xisbigiisa oo ah Sharciga Yareynta Canshuurta iyo Shaqooyinka ee 2017. 

Fischbach: Fischbach waxay taageertaa canshuurta in laga yareeyo dadka dabaqadda dhexe oo waxay dhaliishaa canshuuraha iyo sharciyada xakameynta ah. Waxay oggolaatay Sharcigii Trump ee Shaqooyinka iyo Yareyntii Canshuurta ee 2017. 

Sharciyeynta iyo cabidda mariwaanada

Peterson: Isaga oo aan si toos ah uga hadlin xilligii ugu dambeeyey, wuxuu sheegay inuu rabay inuu arko doorashadii 2018 ka hor bal sida ay sharciyeynta mariwaanada uga shaqeyso gobollada kale ka hor inta uusan tixgelin taageeradiisa dalka oo dhan iyo in beero loo sameysan karo daawo ahaan.

Fischbach: Iyadoo ka tirsan aqalka sare sannadkii 2014 waxay diidday inay u codeyso gobolka Minnesota daawo in laga dhigto mariwaana.