Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta qareenka guud ee Minnesota

Labada murashax ee u tartamaya qareenka guud ee Minnesota waxay mudnaanta siinayaan arrimo aad ugu kala duwan tartanka 2022. Xataa waxayba ku heshiin karin hadafka xafiiska.

Keith Ellison, oo 59 jir ah, ayaa xoogga saaraya xuquuqda ilmaha la isaga soo rido ee codbixiyeyaasha Minnesota halka murashaxa xisbiga Jamhuuriga Jim Schultz, 37, ee ka soo horjeeday uu ku sheegay in ay doorashadu tahay yareynta dambiyada gobolka oo dhan. 

Schultz, oo ah qareen Harvard wax ku soo bartay oo horay uga soo shaqeeyay shirkad gaar ahaan loo leeyahay, ayaa aaminsan xafiiska AG inuu fuliyo sharciga noo qoran, oo la kordhiyo tirada qareemada dambiyada, in laga fogaado in la dacweeyo shiishadda la dhuuqo ama shirkadaha shidaalka sida uu sameeyey Ellison.

Si taas loo eego, Ellison, oo hore lix jeer xubin uga soo ahaa Koongareeska oo shahaadadiisa sharciga ka qaatay University of Minnesota Law School, ayaa sheegay in Schultz “uusan ka bixi karin shaqadan muhiimaddeeda. Laakiin waxaan oran laaa, haa, badqabidda dadweynuhu waa qeyb ka mid ah… laakiin ma aha wax kasta. Waxa aan loo adeegin oo la fududeystay waa daryeelka bulshada gobolka haddii aan la ilaalin suuqyada oo aan la ilaalin macaamiisha.” 

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Halkan ka akhriso meesha ay murashixiintu kala taagan yihiin:

Soo-rididda ilmaha

Ellison: Bartiisa intarnetka ee ololaha, Ellison wuxuu ku soo qoray, “Waxaan u dagaallamaayey muddadii aan hayey xilka qareenka guud waa xuquuqda dastuuriga ah ee daryeelka caafimaadka taranka, oo ay ku jirto helitaanka daryeelka soo-rididda ilmaha.”

Wuxuu soo saaray digniin dadweyne bishii Ogoosto isagoo dadka Minnesota uga digay “dhibaatada xarumaha uurka,” oo aan ahayn goobo caafimaad, balse uu sheegay ujeedkooda in uu yahay in laga hortago haweenka uurka leh in ay ilmo iska soo ridaan inkasta oo in ilmaha la iska soo rido ay sharci ka tahay Minnesota. Isla bishaas Ellison sidoo kale wuxuu ku biiray qareemo kale oo guud oo ka kala socda 20 gobol iyo Washington, DC, oo ka soo horjeestay codsigii Texas ee maxkamadda federaalka ee ah in aysan u hoggaansamin sharciga federaalka ee ilaalinaya dhakhaatiirta soo rida uurka si ay u badbaadiyaan nolosha hooyada. 

Schultz: Intii uu socda doodihii lagu kala dooranaayey murashixiinta xisbiga Jamhuuriga ama GOP ee bishii Maaj, Schultz waxa uu daaha ka qaaday in uu xubin guddi ka ahaa Isbahaysiga Nolosha Aadanaha ee Minneapolis ee ka-hortagaya in ilmaha la isaga soo rido. (Waxa uu ku sii jiray liiska xubnaha guddigaas ilaa iyo xagaagan, sida ay dhigeyso goobta xogbaarashada ee Wayback Mashine. Magaciisu hadda kama soo baxayo bartaas.)

“Waan ogahay. Dhammaanteen waxaan ognahay in ilmaha uurka ku jira uu yahay qof bini’aadam ah oo mudan in sharci ahaan la ilaaliyo… Anigoo ah Qareenka Guud, waxaan gebi ahaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo si aan u hubiyo in dadka noogu nugul, sida ilmaha uurka ku jira, loo difaaco si adag.” 

Schultz ayaa markii dambe beddelay hadal-hayntiisa, isagoo sheegay in uu taageersan yahay oo kaliya xadeyn gaar ah oo ku saabsan soo-rididda ilmaha, oo ay ku jirto in la mamnuuco wixii ka dambeeya uurka gaara 20 toddobaad. Wuxuu yiri ma sii raadin doono xadeyn dheeraad ah oo ah uurka. 

Dambiyada, booliiska iyo badqabidda dadweynaha

Ellison: Ellison ayaa hoggaaminaayey kooxdii dacwad-oogeyaasha ee ku guuleystay danbigii cuslaa ee lagu helay ninkii booliiska u ahaa Minneapolis ee Derek Chauvin ee fuliyey dilkii George Floyd. Waxa kale oo uu taageeray muran badan, oo fashilmay oo ahaa in loo codeeyo in Minneapolis Waaxdeeda Booliiska lagu beddelo Waax cusub oo la yiraahdo Badqabidda Dadweynaha Minneapolis. 

Kahor inta aan la dilin Floyd, Ellison wuxuu hoggaaminayay dedaal lagu baarayey booliiska adeegsada awood dil noqon karta. Waxa uu MPR News u sheegay “Aniga iyo Hawlwadeenka Badqabidda Dadweynaha waxaan isugu yeernay koox shaqo oo ka socota nidaamka garsoorka dambiyada, samafaleyaasha, aqoonyahan, iyo bulshada kale, si loo go’aamiyo sida loo yareyn karo adeegsiga xoogga dilka ah ee lagala kulmo booliiska sababtoo ah waxaan rabnaa qof kasta oo la kulma booliis in uu maalintaas si nabad ah ku tago guriga. Ma jiro koox kale oo la mid ah oo ka jirta meel kasta oo ah Mareykanka. Waxaan soo saarnay 28 tala bixin saddex bilood ka hor dhimashadii George Floyd, oo dhowr ka mid ah ayaa mar hore laga dhabeeyey.”

Schultz: Waxa uu soo jeediyey xukun adag in lagu rido dambiyada rabshadaha wata, isaga oo sameyn doona ciqaab gaar ah oo ku saabsan afduubka baabuurta (hadda waxa dacwo lagu soo oogay sida burcadka ama burcadka hubeysan), iyo in la sameeyo guddi daraasad ku sameeya dambiyada rabshadaha wata ee gudaha Minnesota. Intaas waxaa dheer, Schultz wuxuu sheegay 30 qareen oo ka tirsan xafiiska oo u dabagala ganacsiga in uu u wareejin doono qeybta dambiyada. (Marka loo eego macnaha guud, inta badan kiisaska dambiyada waxaa lagu dacweeyaa heer degmo ama federaal, ee ma aha hawl uu qabto qareenka guud ee gobolka, in kasta oo xafiisku uu caawin karo degmooyinka soo codsada. Ellison waxa uu Sharci-dejinta codsaday dhaqaale dheeraad ah si uu sagaal qareen oo ah dambiyada u shaqaaleysiiyo, laakiin waa laga soo diiday.)

“Xafiiska Qareenka Guud wuxuu diiradda saarayaa waxyaabo kale oo badan oo aan ka ahayn dambiga dhibka ku haya dadweynaha,” ayuu yiri Schultz. “Marka waa in aan helno qareemada ah dambiyada oo badan oo jooga Xafiiska Qareenka Guud.” 

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Ellison: ”Waxaa shaqadeyda Qareenka Guud ah inaan dadka Minnesota ku caawiyo inay noloshooda ku haystaan difaacid xooggan, oo waa wax aan sameeyey. Waxaan joojiyey shirkadaha waaweyn ee dawooyinka qiimaha ay wax ku iibin jireen, waxaan milkiileyaasha guryaha ka ilaaliyey in ay ka faa’iideystaan kireysteyaasha, waxaan qabtay kulleejyada gaarka loo leeyahay in ay masuul ka noqdaan deynta ay uga faa’iideystaan ardeyda, waxaan la dagaallamay xatooyada mushaarka iyada oo boqollaal kun oo doollar oo mushaar ah oo la xaday aan ku soo celiyey shaqaalaha, iyo waxyaabo kale oo badan. Waxaan sii wadi doonaa in aan shaqadan mudnaan siiyo si aan u xaqiijiyo dhaqaale caddaalad ah in ay dadka oo dhan helaan,” ayuu MPR News u sheegay.

Schultz: ”Muddo tobanaan sano ah hadda xafiiska qareenka guud waxa uu cadow ku ahaa ganacsiyada yaryar ee Minnesota, waxa ay ka sii dartay intii uu joogay Keith Ellison,” ayuu yiri. Qareenka Guud “wuxuu ka dhigay hadafka xafiiska in uu ganacsiyada Dadka Caadiga ah dhib u geysto iyo in ay ka tagaan gobolka. Waxasi waxa ay dhammaan doonaan markaan noqdo Qareenka Guud. Ganacsiyada yaryar iyo dadka u shaqeysta sida madaxa bannaan waa lafdhabarta dadweynaha, oo waxa aan rajeynayo waa in aan noqdo difaacooda.”

Waxbarashada

Ellison: “Waxaa shaqadeyda ah in aan difaaco dadka Minnesota, oo ay ku jiraan ardeyda, macallimiinta, iyo shaqaalaha kale ee iskuulka. Waxaan sidaas u sameeyey aniga oo ka hortagaya qoryaha guryaha lagu sameysto iyo hubka sharci darrada ah si aysan ilmo ama waalid uga welwelin inay guriga ku soo laabtaan maalin kasta, oo waxaan soo saaray ficil sharci ah oo ah in iskuullada dadweynaha aysan ‘qado ku ceebeyn karin’ ardeyda iyadoo laga hor istaagayo. in ay ka qaybqaataan qalinjebinta iyo munaasabadaha kale haddii lagu leeyahay deyn ah lacagta qadada iskuulka, oo waxaan ku dacweeyey shirkadaha tubaakada suuqgeynta khiyaanada ah ee ay sameeyaan, iyo in lala xisaabtamo iskuullada aan damiirka lahayn iyo shirkadaha amaahda bixiya marka ay ka faa’iideystaan ardeyda, sida macallimiinta aan fileyno mustaqbalka,” ayuu MPR News u sheegay.

Schultz: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne oo dhawaan uga jawaabay arrintan.

Deegaanka iyo isbedelka cimilada

Ellison: ”Waxaa ah shaqadeyda qareenka guud in aan difaaco dadka Minnesota, sida khataraha deegaanka. Muhiimadeyda ugu weyn waa in aan la xisaabtamo shirkadaha iyo wasakhdooda waxyeellada ay u geysteen macaamiisha iyo deegaanka Minnesota; iyada oo la adeegsanayo sharciga, siyaasadda iyo in loo qareemo si loo yareeyo saameynta oo looga caawiyo Minnesota in ay u adkeysato isbedelka cimilada; iyo taageerid ah in ay Minnesota u guurto tamarta nadiifka ah sida ay caddaalad ahaan ugu habboon tahay qiimaha ay bixiayaan iyo macaamiisha.”

Schultz: ”Waxaan joojinayaa cadaawadda xagga wax-soosaarka tamarta oo waxaan si wada-jir ah ula shaqeyn doonaa dhammaan si loo hubiyo in sida loo raacayo ilaalinta deegaanka ee gobolkeena,” wuxuu qoraal waregeys la hadla dadweynaha ku qoray tusaaleyn. “Waxaan noqon karnaa wakiillo u wanaagsan deegaankeena anagoo hubineyna in aanan kor u qaadin qiimaha tamarta qoysaska Minnesota.”

Beeraha iyo miyiga Minnesota

Ellison: ”Dadka ku nool Miyiga Minnesota waxay la kulmaan caqabado gaar ah oo ku saabsan sidii ay noloshooda u awoodi lahaayeen - taasna waa sababta aan ula xisaabtamay shirkadaha isgaarsiinta xayeysiisyadooda khiyaamada ah iyo adeegga aan tayada lahayn ee Miyiga Minnesota, oo waxaan dib u riixay dedaallada lagu yareynayo adeegga dadweynaha miyiga. Waxaan sidoo kale ku biiray koox ah qareemo guud oo ku baaqay baaritaan federaal oo ku saabsan ka-hortgidda dhaqamada kalsoonixumada ah ee warshadaha hilibka lo’da iyo difaacid federaal oo loogu talagalay shaqaalaha warshadaha hilibka.”

Schultz: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne oo dhawaan uga jawaabay arrintan.

Hubka

Ellison: Ka dib toogasho wadareed markii ay ka dhacday iskuulkiia Uvalde, Texas, Ellison wuxuu taageeray sharciyo lagu badbaado oo hubka si loola dagaalamo dambiyada rabshadaha wata. 

“Ma yeelan karno wada hadal dhab ah oo ku saabsan badbaadada dadweynaha oo aan ka saarno wadahadal ku saabsan hubka,” ayuu Ellison yiri. “Waxaa la joogaa wakhtigii aan bulshadeena ka dhigi lahayn kuwo nabdoon annagoo joojineyna helista hubka.” 

Schultz: Kuma uusan talin in la adkeeyo sharciyada hubka.” Taas beddelkeeda, “Sharci-dejintu waa in ay dambiyada baabuurka la afduubay u sameyso shaci adag iyagoo kordhinaya ciqaabta dambiileyaasha soo noqnoqda,” ayuu Schultz yiri.

Daryeelka caafimaadka

Ellison: ”Daryeel caafimaad oo la awoodi karo waa xuquuq aadane oo aasaasi ah. Marka goobaha caafimaadka iyo shirkadaha ceymisku aysan dadka Minnesota ula dhaqmin caddaalad ah, waxaa shaqadayda Qareenka Guud ah in aan hubsado in lagula xisaabtamo. Waxaan dacweeyay warshadaha dawooyinka caadiga ah qiimaha ay ku heshiiyeen oo waxaay difaacay helitaanka insuliin degdeg ah oo bilaash ah. Waxaan sidoo kale si weyn ula dagaallamay malaayiin khiyaamo oo ah Medicaid, oo waxaan sii wadi doonaa dhaqangelinta heshiiska isbitaalka ee lagu ilaalinaya bukaanka ee looga hortagayo biilasha gardarrada ah iyo deynta uruurta ee isbitaallada aan macaashka ku shaqeyn ee Minnesota,” ayuu MPR News u sheegay.

Schultz: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne oo dhawaan uga jawaabay arrintan.

Soogalootiga

Ellison: ”Difaacidda waxay nagu biiriyaan iyo bini’aadannimada deriskeena soogalootiga ah waa waxa saxda ah in la sameeyo. Waxaan si guul leh ugu dacweeyey maamulka Trump si aan uga soo horjeesto mamnuucidda ardeyda ajinebiga ah, waxaan difaacay xuquuqda carruurta ku jirta xabsiyada madaniga ah, oo waxaan ku baaqay in la joojiyo in lagu duulo xarumaha maxkamadaha kiisaska soogalootiga. Waan sii wadi doonaa ilaalinta xuquuqda nidaamka cadaaladeed ee deriskeena soogalootiga ah ilaa iyo inta aan ahay qareenka guud,” ayuu MPR News u sheegay.

Schultz: MPR News waa ay soo heli waayeen faallo dadweyne oo dhawaan uga jawaabay arrintan.

Doorashadii 2020

Ellison: ”Ilaalinta daacadnimada doorashooyinka Minnesota waa mid ka mid ah mudnaanta iigu sarreysa. Sannadkii 2020, waxaan kala shaqeeyay Xoghayaha Arrimaha Gobolka si aan u hubiyo in uu codbixiye kasta oo Minnesota ku nool si siman oo caddaalad ah u heli karo sanduuqa codbixinta, oo waxaan hagid cad u soo saaray dhammaan cod-bixiyeyaasha Minnesota xuquuqdeena inaan u codeyno si badqabid leh oo aysan ku jirin cagajugleyn. Doorashadii ka dib, waxaan si guul leh uga difaacay dacwado aan macno lahayn oo lagu joojinayo ku guulaysta doorashooyinkii Koongareeska iyo sharci-dejinta Minnesota inay qaataan kuraastii ay ku guulaysteen.”

Schultz: ”Joe Biden waa madaxweyne. Waa madaxweynaha sharciga ah. Wuxuu si sharci ah ugu guuleystay 2020,” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyey