Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 2aad sida hubka, ilmaha la soo ridayo, waxyaabo badan

Two side by side portraits one of a woman and one of a man.
DFL U.S. Rep. Angie Craig (bidixda) iyo Jamhuuri la tartamaya Tyler Kistner
Evan Frost | MPR News and Submitted

Minnesota waxay siddeed kursi ku leedahay Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo dhamaantood waxay u taagan yihiin doorashada deyrta. Siddeedaas kursi ee la isku haysto, tartanka loogu jiro degmada 2aad ee Aqalka Wakiillada ayaa ka mid ah ololaha Golaha ee aadka loo daawado dalka oo dhan.

Xaafadaha magaalooyinka mataanaha ah ee koonfurta waxaa hadda Koongareeska uga wakiil ah xildhibaanad Angie Craig, oo ka socota Dimuquraadiga. Waxaa doorashada ku jira laba tartame oo kala ah: Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Tyler Kistner, oo ay iyadu ka guulaysatay 2020, iyo murashaxa Xisbiga Marijuana Now Paula Overby. 

Overby, oo ahayd murashaxa Xisbiga Madaxbanaanida ee 2016 ka hor inta aysan noqon musharaxa Xisbiga Legal Marijuana Now ee sanadkan, ayaa dhimatay 5tii OktMagaceeda ayaa wali ka muuqan doona waraaqda codbixinta oo doorashadu sidaas ayey ku socon doontaa sidii loogu talagalay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota. Haddii qof uu hore ugu codeeyay Overby isaga oo isticmaalaya warqadda codbixinta habka maqnaanshaha, waa loo soo celin karaa oo qofkuna wuxuu beddeli karaa codka ilaa 1da Nof, Xoghayaha Gobolka Steve Simon ayaa sidaas yiri.

Craig tartankeedii ugu horreeyey ee 2016 waxaa ka adkaaday Jamhuuriga Jason Lewis oo ka cod batay 6,655. 2018, waxay ka adkaatay Lewis. 2020 waxay la kulantay Kistner oo ay kaga adkaatay wax ka yar 10,000 oo cod. Waxa uu kursigan noqday mid ka mid ah 89 tartan oo ah koongarees ee dalkoo dhan lagu go'aamiyey boqolkiiba 10 dhibcood ama wax ka yar sannadkaas.

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha muhiimka ah ee Minnesota.

Soo-rididda ilmaha

Craig: Waxay taageertaa in ilmaha la iska soo rido oo waxay u codeysay in laga noqdo go'aankii Roe v. Wade ilaa heer federaal. Waxay gacan ka geysatay in la ansixiyo Hubinta Helitaanka Soo-rididda Ilmaha si loo ilaaliyo xuquuq ah in gobol kale loo safro si ilmaha la isaga soo rido.

MPR News is Reader Funded

Before you keep reading, take a moment to donate to MPR News. Your financial support ensures that factual and trusted news and context remain accessible to all.

Kistner: Wuxuu yiri “boqolkiiba 100 nolosha ilmaha ayuu taageeraa.” Kuleylihii dhawaa, wuxuu yiri waxaan taageersanahay kiisaska laga reebi karo waa kufsiga ama marka ay nafta qofka uurka leh khatar ku jirto, oo bishii Juun wuxuu yiri gobolladu waa in ay go'aansadaan joojinta ilmaha la soo ridayo.

Dambiyada, booliska iyo badqabidda dadweynaha

Craig: Ma taageerto in booliiska laga jaro lacagta. Waxay sheegtay in askarta booliisku ay u baahan yihiin “dhammaan agabka, tasiilaadka iyo maalgelinta ay ku qabsanayaan shaqadooda muhiimka ah.” Waxa ay wax ka qortay Sharciga Maalgelinta Ilaalinta si ay u kordhiso maalgelinta waaxyaha booliska ee yaryar iyo kuwa dhexe iyo Sharciga Habka Ilaalinta ee barnaamijyada qorista shaqada.

Kistner: Wuxuu yiri “Dhaqdhaqaaqa 'lacagta booliiska in laga gooyo' ayaa Mareykanka ka dhigay mid khatar badan oo dadweynuhu waxaa ku yar badqabka reer Minnesota iyo qoysaskooda.” Waxa uu sheegay in qorista iyo haysashada saraakiisha booliiska ay muhiim tahay.

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Craig: Waxay tiri waxaan “sameynayaa wax kasta si loo yareeyo kharashaadka iyo in dhaqaaluhu dib ugu soo laabto jidkii saxda ahaa.”

Kistner: Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu yareeyo kharashaadka dowladda, in la xakameeyo sicirbararka iyo in aysan kala go'in badeecadaha.

Waxbarashada

Craig: Waxay sheegtay in dugsiyada dadweynaha si buuxda loo maalgeliyo iyo “ardeyda in la siiyo fursado badan ka dib markay ka baxaan dugsiga sare.”

Kistner: Waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in iskuulladu yihiin “siyaasad ahaan fikrad gelin” iyo “fikradda taariikhda jinsiyadaha muhiimka lagama aqbali karo iskuullada.”

Bey'adda iyo isbeddelka cimilada

Craig: Waxay tiri is beddelka cimilada si qoto dheer ayuu u saameynayaa Minnesota oo waxay rabtaa in ay xoojiso “ilo kale oo laga dhaliyo tamarta nadiif ah, in la abuuro shaqooyin mustaqbalka leh si wax looga qabto isbeddelka cimilada.”

Kistner: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Beer-falashada iyo miyiga Minnesota

Craig: Waxay xubin ka tahay Guddiga Beeraha ee Golaha Wakiilada, oo waxay sheegtay in ay shaqeyso maalin kasta “si loo hubiyo in beeraleyda qoyska Minnesota iyo dadka reer miyiga oo ah kuwa quudiya, ee laga helo dharka iyo shidaalka Mareykanka, waa in ay kursi ku leeyihiin miiska.

Kistner: Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay “beeraleydu in ay u baahan yihiin heshiisyo ganacsi oo caddaalad ah oo si buuxda loogu helayo suuqyo cusub.” Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay in mudnaan la siiyo kaabayaasha isgaarsiinta ee reer miyiga.

Hubka

Craig: Waxay sheegtay in ay haysato hub balse ay door rabto Qodobka Labaad ee dastuurka, laakiin “waxaa jira wax badan oo ay tahay in la sameeyo si loo hubiyo si uusan qof Mareykan ah uga welwelin qof is ay jecel yihiin in lagu dilo rabshado macno darro ah.”

Kistner: Wuxuu yiri “boqolkiiba 100 waan rabaa Qodobka Labaad ee dastuurka.” Wuxuu yiri “qorigu dadka ma dilo, ee dadka ayaa dadka dila” oo wuxuu aaminsan yahay in Mareykanku uu u baahan yahay xakameyn yar oo hubka ah iyo tasiilaadyo badan oo ah caafimaadka dhimirka.

Daryeelka caafimaadka

Craig: Waxay sheegtay inay taageerto helitaanka daryeel caafimaad oo la awoodi karo oo dhammaan la heli karo.

Kistner: Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in dibu-habeynta daryeelka caafimaadka iyo in laga faa'iideysto koontooyin ah keysashada lacagta caafimaadka. Waxa uu ka soo horjeedaa “dawlad maamulkeed, hal ceymis oo ah caafimaad.”

Arrimaha socdaalka

Craig: Waxay taageertaa amniga xuduudaha iyo dibu-habeynta sharciyada soogalootiga iyo sidoo kale sameynta hab dhalasho lagu siiyo oo fudud oo loogu talagalay “Rajo-qabeyaasha,” dadkii yaraanta la keenay Maraykanka iyada oo aan sharci haysan.

Kistner: Wuxuu taageersan yahay amniga oo la ballaariyo, sida darbiga xuduudda

Doorashadii 2020

Craig: Waxay sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu “been” u sheegay dad fallaago ah 6dii Jan, 2021, iyo “in uu isugu yeeray Washington isagoo been ku dhex faafiyey… wuxuu khiyaaneeyey dhaartiisii xafiiska.

Kistner: Sannadkii 2020, afhayeenka ololaha Kistner markii hore wuu diiday in uu ka jawaabo su'aalo ku saabsanaa in Kistner uu rumeysan yahay Biden inuu si sharci ah ugu guuleystay doorashada. 6dii Okt, 2022, Ololaha Kistner ayaa u sheegay MPR News in Kistner uu xaqiijinayo natiijada doorashada 2020.

Map of Minnesota US house district 2
Minnesota US House District 2
Elisabeth Gawthrop | APM Research Lab