Go'aan ayaa la gaaray: Danbiyadii oo dhan waa lagu helay

Xeerbeegtidii waxay ku heleen ninkii ka midka ahaan jiray booliiska Minneapolis ee Derek Chauvin saddexdii dambi oo dhan: dil ah ulakac darajada labaad, dil ah ulakac darajada saddexaad iyo dil aan ahayn ulakac derajada labaad.
Chauvin waxaa lagu soo eedeeyey dilkii George Floyd ee Meey sannadkii hore.
Chauvin asaga oo jeebbeysan ayaa laga kaxeeyey maxkamadda. Sannadaha la xirayo mar kale ayaa la soo sheegi doonaa.
Xeerbeegtida kiiskan 10 saac ayey ku qaadatay ka hor inta aysan go'aansan xukunka dambiyadiisa.
Chauvin waa booliiskii labaad ee Minnesota ee lagu helay dilka shicibka asaga oo shaqadiisa ku jira. Waa booliiskii ugu horreeyey ee gobolkan lagu soo oogay dambi ah dilka qof Madow.
Grow the Future of Public Media
MPR News is Member supported public media. Show your support today, donate, and ensure access to local news and in-depth conversations for everyone.